Home / Cayaaro / Waa kuma garsooraha qabanaya kulanka Real vs Atalanta Danny Makkelie?

Waa kuma garsooraha qabanaya kulanka Real vs Atalanta Danny Makkelie?

Himilo – Garsooraha reer Holland Danny Makkelie ayaa dhex dhexaadin doona Kulanka Real Madrid iyo Atalanta maalinta talaadada. Waligiis garsoore kama uusan noqon  labada koox midkoodna.

Kaaliyaha Makkelie waa Hessel Steegstra iyo Mario Diks. Kevin Blom wuxuu mas’uul ka yahay VAR, waxaa caawiye u ah Jochem Kamphuis. Allard Lindhout waa sarkaalka afraad.

Makkelie waligiis ma garsoorin kulan  Atalanta ama Real Madrid, laakiin wuxuu mas’uul ka ahaa labo kulan oo kooxaha Serie A xilli ciyaareedkaan Champions League dheeleen.

Wuxuu garsoore ka ahaa kulankii Inter ay 3-2 kaga badisay Borussia Monchengladbach bishii Decembar iyo kii Juventus ’2-0 looga badiyay Turin kulankii ay wajaheen Barcelona bishii October markii Merih Demiral uu siiyay casaan.

Wuxuu sidoo kale garsooray hal kulan oo Champions League ah iyo hal kulan oo Europa League ah xilli ciyaareedkaan iyo hal kulan oo ka mid ah Club World Cup: sannadkan semi-finalka u dhexeeya Palmeiras iyo Tigres.

Makkelie wuxuu garsoore ka ahaa 28 kulan oo Champions League waayihiisa ciyaareed, 14 kulan oo Europa League ah iyo 240 kulan oo Eredivisie.

Wuxuu  bixiyay 1577 kaar oo huruud ah 502 kulan uu garsooray waayihiisa ciyaareed, waxaana uu dhigay 160 rigoore. Waxa uu casaan siiyay 73 ciyaartoy kadib laba kaar oo huruud ah wuxuuna kaadh casaan toos ah siiyay  65 xidig.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan