Home / Habka-Nolosha / Waa kuma shaqsiga ku booriyey in Roberto Firmino uu ku ciyaaro hal Il?

Waa kuma shaqsiga ku booriyey in Roberto Firmino uu ku ciyaaro hal Il?

Muqdisho – Laacibka xulka qaranka Senigaal iyo kooxda Liverbool Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday inuu ku booriyay Roberto Firmino in uu hal Il kula ciyaaro Paris Saint-Germain 24 saac ka hor inta uusan bilaaban kulanka.

Firmino, oo dhaliyey goolka guusha ee kulankii Talaadadii ay 3-2 ah ka gaartay Champions League kooxda PSG, ayaa ka dhibtoonayay isha bidix kaddib markii ay isku dhaceen Jan Vertonghen kulankii sabtida oo ay ka badiyeen Tottenham.

Waxaan u maleynayaa Bobby in uusan u baahneyn indhihiisa si uu u ciyaaro, sidaas darteed waan u sheegay isaga, “ayuu yiri ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ka dib markii ay 3-2 kaga badiyeen PSG.

“Waxaan u direy fariin Isniintii waxaan ku dhahay, ‘Haye Bobby, soo deg, waan kuu baahannahay’.

Waa bilow fiican, waa xilli hore inaad wax walba ka hadasho, laakiin muhim weyn ayay inoogu tahay inaan diiradda saarno sababtoo ah waxaan nahay Liverpool, waxaan nahay koox xoog badan, waxaan isku dayi doonaa inaan sameyno kulankeena ugu fiican” ayuu hadalkiisa raaciyay Mane.

“Waxaan qabaa inay natiijo weyn tahay in aad ka badiso PSG si daacad ah, waa wax muhim ah inaan sii wadno wadada fiican.

“Ma aheyn kulan fudud, sababtoo ah PSG waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, laakiin waxaan u ciyaarnay si aad uwanaagsan waana u qalmay inaan badino.”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan