Home / Cayaaro / Waa kuma xiddiga saxiixa ugu horreeya u noqonaya Arteta ee Nuno Tavares

Waa kuma xiddiga saxiixa ugu horreeya u noqonaya Arteta ee Nuno Tavares

Himilo – Daafaca bidix ee Benfica Nuno Tavares ayaa  ku dhow inuu noqdo Mikel Arteta saxiixii ugu horeeyay ee xagaaga ee Arsenal.

Heshiis ayaa la sheegay inay wada gaareen labada naadi oo 21-jirka ah inuu u dhaqaaqo woqooyiga London iyadoo lagu iibinayo £7m, iyadoo lagu darayo £ 1.5m oo dheeri ah.

Sida laga soo xigtay Goal, Tavares ayaa haatan qarka u saaran inuu tijaabada caafimaadka u maro Gunners ka hor inta aan heshiiska la dhameystirin oo lagu dhawaaqin maalmaha soo socda.

Tavares ayaa qarka u saaran inuu tartan dhanka daafaca bidix ah siiyo Kieran Tierney, kaasoo dhawaan saxiixay heshiis cusub oo shan sano ah oo uu kooxda kula sii joogayo.

Iyadoo Sead Kolasinac uu ka tagay kooxda, sida Ryan Bertrand iyo Patrick van Aanholt ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan Arsenal, si kastaba ha ahaatee kooxda ayaa go’aansatay inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Portugal ee U21 jirada.

Tavares ayaa 25 jeer u ciyaaray Benfica intii lagu guda jiray ololihii 2020-21, oo ay ku jiraan 14 kulan oo uu ka ciyaaray Liga Nos iyo shan kulan oo ka tirsan Europa League

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan