Home / Macluumaad / Waa kuwee 5ta Bilyaneer ee ugu hodansan suuqa Crypto

Waa kuwee 5ta Bilyaneer ee ugu hodansan suuqa Crypto

Himilo  – Inta badan Bilyaneerrada Caalamka ee la diiwaangeliyay waxaa ay ka taajireen maalgashiga tooska ah iyo in ay ka shaqeysiiyaan Ganacsiga la taaban karo sida Warshadaha,Waxsoosaarka iyo sidoo kale Qalabka Tignolojiyadda.

Laakiin waxaa jira Bilyaneerro aan lahayn warshado,waxsoosaar iyo badeecado la taaban karo,kuwaas oo shanta ugu horreysa aan kugula wadaagayo warbixintan.

Raggan waxaa ay ka taajireen islamarkaana darajada Bilyaneer ka gaareen suuqa Crypto oo haddii uusan suuqan jirin ay adkaan lahayd in ay noqdaan shan Bilyaneer.

Haddana Raggan iyo Lacagaha ay ka sameeyeen Suuqa Crypto.

Changpeng Zhao

Hanti:  $65 billion

Waxaa uu leeyahay 70% Brokerka ugu weyn Adduunka ee Binance.

Sam Bankman-Fried

Hanti:  $24 billion

Waxa uu leeyahay FTX platform.

Brian Armstrong

Hanti:  $6.6 billion

Waa Guddoomiyaha Coinbase,saamiga uu leeyahayse lama sheegin.

Gary Wang

Hanti:  $5.9 billion

Waa madaxa Tignolojiyadda ee FTX,waxaana uu leeyahay 16% lacagta FTX eek u jirta Staking.

Chris Larsen

Hanti:  $4.3 billion

Hadda waa madaxa Xawaaladda Ripple ee la isaga diro lacagaha Crypto.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan