Home / Cayaaro / Waa kuwee Aabbayaasha iyo Wiilashooda iska soo garab muuqday,Heer Maamul iyo Ciyaarba

Waa kuwee Aabbayaasha iyo Wiilashooda iska soo garab muuqday,Heer Maamul iyo Ciyaarba

Himilo – Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Phil Neville ayaa laga yaabaa inuu galo xaalad xun xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii uu wiilkiisa u soo dalacsiiyay kooxda koobaad ee Inter Miami.

Harvey Neville wuxuu ka soo kici doonaa naadiga ay bahwadaga yihiin Miami ee Fort Lauderdale si uu uga hoos ciyaaro aabbihiis 2022 ka dib markii ay kooxdu ku dhameysatay kaalinta 11-aad ee MLS’s Eastern Conference.

19-sano jirkaan daafaca midig ayaa ku biiri doona ciyaartoyda sida Gonzalo Higuain, Blaise Matuidi iyo Ryan Shawcross ee kooxda Inter Miami xilli ciyaareedka soo socda.

Waxa uu sidoo kale ku biiri doonaa liis gaar ah oo kubbadda cagta ah kuwaas oo si toos ah ugala soo shaqeeyay aabbahood, ha ahaato awoodda maamule, ama xitaa midba midka in uu la galo garoonka dhexdiisa.

Hadaba waa kuwee 10-ka ciyaaryahan ee ugu wanaagsan aabbe iyo wiilkiisa taariikhda kubada cagta.

Rivaldo & Rivaldinho

Halyeeyga Brazil Rivaldo ayaa 23 sano ka weyn wiilkiisa, kaasoo si cajiib ah loogu magacaabay Rivaldinho, laakiin farqiga da’da ayaa joojin waayay labada ciyaaryahan ee goolasha kulan gudahiis 2015kii.

Rivaldo waa madaxweynaha kooxda Sao Paulo Mogi Mirim, wuxuuna ka  noqday hawlgabnimadiisa ciyaaraha lix sano ka hor si uu ugu ciyaaro kooxda, isagoo jira 43.

Waxa uu muujiyay inuu weli haysto, sidoo kale, maadaama ay labada gool dhaliyeen isla kulan, iyagoo dhaliyay dhammaan seddexdii gool ee guushii ay  3-1 kaga badiyeen Macae.

Rivaldinho waxa uu noqday guuraa , isagoo ka soo ciyaaray Brazil, Bulgaria iyo Romania, waxaana uu hadda ku suganyahya KS Cracovia ee Poland.

Harry & Jamie Redknapp

Harry Redknapp waxa uu ahaa mid ka mid ah maareeyayaasha ugu waqtiga dheer kubada cagta Ingariiska, isaga oo maamulay ciyaartoy badan – mid ka mid ah kuwaa waxa uu ahaa wiil uu isagu dhalay.

Jamie waxa loo dhiibay kulankiisii ugu horeeyay ee Bournemouth isaga oo 16 jir ah oo aabihiis ayaa siiyay fursadaas  waxana uu wax ku filan ku sameeyay  hal sano oo Cherries ah si uu ugu biiro Liverpool 1991.

Xirfadda khadka dhexe xitaa waxaa ballan qaaday aabihiis, kaasoo u saxiixay Southampton 2005-tii ka hor inta aysan dhaawacyadu gaarin oo uusan kaga fariisan da’da 31.

Zinedine, Enzo & Luca Zidane

Zinedine Zidane wuxuu leeyahay afar wiil, Enzo, Luca, Theo iyo Elyaz. dhamaantood waxay ku jireen buugaagta Real Madrid.

Enzo Zidane wuxuu ka hoos ciyaaray aabihiis kooxda Real Madrid ee Castilla B, halkaasoo Zinedine uu maamule ka ahaa intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016, ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda koowaad.

Markii uu tababare u noqday Real Madrid, Zidane wuxuu la kulmay goolhaye Luca, oo seddex sano ka yar Enzo, kaasoo loogu yeeray kooxda koowaad  2018.

Luca ayaa ahaa goolhayaha seddexaad ee kooxda ku guuleystay 2017/18 Champions League.

Cesare & Paolo Maldini

Magaca Maldini ayaa si aan kala go’ lahayn loola xiriirinayaa AC Milan, iyadoo saddex jiil oo qoyska ka mid ah ay u soo baxeen kooxda.

Labada Cesare iyo Paolo ayaa loo arkaa halyeeyo naadi ah, halka wiilka Paolo ee Daniel Maldini uu haatan ku soo biirayo kooxda isagoo 20 jir ah oo khadka dhexe ah.

Cesare Maldini waxa uu Milan u soo ciyaaray intii u dhaxaysay 1954 ilaa 1966 ka hor inta aanu u wareegin maamulka halkaas oo uu talyaaniga la wareegay 1996 ilaa 1998 kii.

Taasi waxay keentay inuu si toos ah ula xiriiro Paolo, oo kabtan u ahaa Italy Koobkii Adduunka 1998 markaasoo ay rigoorayaal uu ku  garaacay  wareega quarter-final-ka  France.

Danny & Daley Blind

Maldinis-ka Milan, Blinds –ka Ajax. Danny Blind waxa uu 13 sano oo guulo waaweyn ah ku qaatay Ajax isaga oo markii dambe tababare u noqday kooxda ka dhisan Amsterdam.

Waxa uu ahaa tababare ku xigeen halka Daley Blind uu ku jiray talaabooyinkiisii ​​hore ee kooxda Ajax, kadibna waxa uu soo maamulay daaficii hore ee Manchester United isagoo macalin u ah Netherlands intii u dhaxeysay 2015 iyo 2017.

Danny Blind ayaa xagaagii ku soo laabtay xulka qaranka isaga oo ah kaaliyaha Louis van Gaal, sidaas darteed wali waxa uu saamayn ku yeelan karaa wiilkiisa kaas oo haatan ku soo laabtay Ajax.

Gheorghe & Ianis Hagi

Xirfadda Ianis Hagi waxaa si weyn u saameeyay aabihiisa caanka ah.

23-sano jirku wuxuu soo maray Gheorghe Hagi Academy ee Romania ka hor inta uusan xirfadiisa shaqo ka bilaabin Viitorul Constanta, kuwaas oo la aasaasay, maamulay oo ay leeyihiin aabihiis oo leh naaneyska ‘Hagi’s Boys’.

Gheorghe ayaa wali sii maamula kooxda oo hadda loo yaqaan Farul Constanta, laakiin Ianis waxa uu uga sii gudbay Fiorentina iyo Genk una wareegay Rangers.

Eidur & Arnor Gudjohnsen

Magaca Gudjohnsen waa magac caan ka ah Iceland, halkaas oo uu la mid yahay kubbadda cagta.

Weeraryahankii hore ee Chelsea Eidur ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay isagoo 17-sano jir ah markii uu bedel kusoo galay qeybta labaad isagoo bedelay aabihiis Arnor oo markaas ahaa 34 jir.

Nasiib daro waligood fursad uma helin inay iska garab ciyaaraan sababtoo ah Arnor ayaa lagu qasbay inuu ciyaaraha ka fariisto dhaawac dartiis, laakiin wali waxay ahayd daqiiqad ay labadoodu waligood xasuusan doonaan.

“Dabcan waxay ahayd shucuur,” Arnor ayaa ku yiri wareysiga 2018.

“Waxay ahayd shay waali ah inaad eegto qolka beddelka oo aad ku aragto wiilkaaga halkaas.”

Eidur wuu ka fariistay laakiin magaca Gudjohnsen wuxuu ku nool yahay kubada cagta waxaana mahad leh seddexda wiil ee uu dhalay, Sveinn Aron, oo u ciyaara Elsborg ee Sweden, Andri, oo ka tirsan kooxda Real Madrid B, iyo Daniel, oo isna ku jira buugaagta Real.

Steve & Alex Bruce

Alex Bruce ayaa labo jeer u saxiixay aabihiis intii uu ku jiray xirfadiisa. Markii ugu horreysay waxay timid magaalada Birmingham 2005tii muddo sannad ah ka dib markii lagu eedeeyay eex.

“Waxaan had iyo jeer isku dayay inaan dareenkeyga aabe ahaan dhinac u dhigo oo aan sameeyo xulashooyinka ugu fiican kooxda kubadda cagta,” Steve Bruce ayaa yiri ka dib markii wiilkiisa uu u tagay Ipswich.

Walaacaas ma sii waarin, iyadoo 2012 Bruce uu mar kale u dhaqaaqay inuu wiilkiisa daafaca dhexe u soo saxiixo Hull City.

“Waxa uu joogaa heerkii ugu sarreeyey ee xirfaddiisa waxana uu u muuqdaa qaab fiican,” ayuu yidhi.

Hadda oo uu 37 jir yahay, Alex Bruce ayaa weli u ciyaaraya Macclesfield, halka aabihiis uu waqti ka qaadanayo shaqada ka dib markii laga ceyriyay Newcastle bishii hore.

Paul & Tom Ince

Tom Ince wuxuu ka hoos ciyaaray aabihiis laba jeer, Notts County iyo Blackpool.

Paul Ince wuxuu siiyay wiilkiisa dhadhankiisii ​​ugu horeeyay ee kubada cagta markii uu amaah kaga soo qaatay Liverpool xilli ciyaareedkii 2010/11 ee Notts County.

Oo wuxuu mar kale kula xidhay Blackpool 2013/14 ka dib markii loo magacaabay maareeye – qayb ahaan sababtoo ah wuxuu daawaday wax badan oo ka mid ah ciyaaraha wiilkiisa 18-kii bilood ee la soo dhaafay.

Henrik & Jordan Larsson

Henrik Larsson waxa uu xiriir adag la leeyahay kooxda magaalada uu ka soo jeedo ee Helsingborg, isagoo laba jeer u soo ciyaaray kooxda intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed.

Markii uu la wareegay shaqada tababarenimo bishii November 2014, waxa uu lahaa xidhiidh kale oo uu kaga fikiro wiilkiisa, Jordan, waxa uu ciyaarta ka dhigayay isaga oo 17 jir ah kooxda.

Henrik mas’uulnimadiisa ma aysan sii socon, laakiin xirfadda Jordan ayaa ku socotay jihada sare, isaga oo u dhaqaaqay Spartak Moscow.

W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan