Muqdisho – Bogga “Business Insider” ayaa warbixin kooban ka qoray dalalka ugu cimilada kulul caalamka, waxaana inta badan dalalka noqdeen kuwa qaaradda Afrika dhaca.
Liiska dalalka laga tilmaamay kuleylka waxaa kaalinta koobaad ka timid Jabuuti oo heer kulkeeda uu gaaro celceliska sanadkii 28.5 salsiyas (celsius).
Waxaa kaalinta 2aad timid Maali oo heer kulkeeda lagu qiyaasay 28.4 halbeegga salsiyas (Celsius). Dalalka Niger, Burkino Faso iyo jasiiradda Saint- Barthelemy ayaa wada galay kaalinta seddexaad, waxaana heer kulka uu gaarayaa dalalkan celcelis dhan 28.3 Salsiyas.
Liiska dalalka ugu cimilada kulul waxaa sidoo kale soo galay jasiiradaha koonfurta badda Carribeanka, Gambia, Suudaan, jasiiradda Maldives, Moritania, Senagal iyo Chad.
Isha: Business Insider.