Himilo – Bisha Ramadaan Muslimiintu waxay ka af haystaan cunidda, Cabdidda iyo xiriirka gogosha inta lagu jiro saacadaha dharaarta si ay u helaan ajirka alle.
Marka gabbalku dhaco saa’imiintu waxay ku af billowdaan timir taas oo ku kala duwan dhadhanka midabka, iyo xajmiga. Dhamaan noocyadaas waxaa ku jira Vitamin iyo Macdan.
Bahda caafimaadka ayaa aaminsan inay timirtu faa’iido badan u leedahay qofka sooman oo ay jirkiisa ka difaacdo cuddurro badan. waxaa ku jirta sonkor dabiici ah oo tamar gaar ah siisa qofka.
Sannad kasta ugu yaraan 9 milyan oo tan oo timir ayaa la soo saaraa sida ay sheegtay hay’adda FAO. Bariga dhexe waa meelaha aad looga adeegsado.
Saddex waddan ayaa kala bar timirta dunida soo saara, waxaa ugu horreysa Masar. Waxay soo saartaa 1.6 milyan, waxaa ku xiga Sacuudiga oo soo saara 1.5 milyan. Halka Iran ay tahay dalka 3aad.