Home / Caafimaad / Waa maxay cudurka ay qabaan 24% dadka caalamka?

Waa maxay cudurka ay qabaan 24% dadka caalamka?

Ku dhawaad afar meelood meel dadka caalamka oo u dhiganta inka badan 1.5 bilyan oo qofood ayaa ka cabanaya cudurka dhiig yarida ama dhiig la’aanta.

Carruurta kahor da’da waxbarashada hoose ayaa ah kuwa ugu badan ee cudurkan uu haleelo, waxaana dhiig yarida la xanuunsan 47% carruurta caalamka sida ku xusan tirakoobyada hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waa maxay dhiig yarida?

Dhiig yarida waa marka jirka qofka uusan heysan dhiig cas oo ku filan si oksijiinka loo gaarsiiyo dhammaan qeybaha jirka. Waxaa kale oo dhici karta in unugyada dhiigga qofka ay ku yaraato maadada Hemoglobin-ka oo dhiigga siisa midabka uu leeyahay ee cas.

Waxa uu leeyahay xanuunkan calaamado lagu aqoonsado oo dhowr ah, waxaa kamid ah in qofku dareemo daal joogto ah isaga oo qaatay hurdo ku filan iyo inuusan tamar u heyn shaqooyinka caadiga ah.

Waxaa intaa dheer in dhiig yarida sabab u noqon karto dhibaatooyin badan sida xusuus daridda sida ay qabaan khubarada caafimaadka.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan