Home / Dhaqaale / Waa maxay dhalashada labaad oo ay heysato haweenayda ugu lacagta badan Afrika?

Waa maxay dhalashada labaad oo ay heysato haweenayda ugu lacagta badan Afrika?

Himilo – Haweenayda ugu taajirsan qaaradda Afrika Isabel dos Santos ayaa shaacisay inay heysato dhalashada dalka Ruushka oo ay qaadatay markii ay dhalatay.

Gabadha uu dhalay madaxweynihii hore ee Angola José Eduardo dos Santos ayaa wareysi ku sheegtay inay tahay qof u dhashay Ruushka.

“Waxaan ahay qof Russian ah, dib uma aanan qaadan waayo mar kasta waan heystay,” ayay tiri Isabel dos Santos.

Haweenayda ugu lacagta badan Afrika ayaa ku dhalatay magaalada Baku ee caasimadda u ah Azerbaijan sannadkii 1973-dii. Xilligaasi Aabahayd waxa uu aha halgamaa reer Angola ah halka hooyadeed ka soo jeedo asal ahaan Ruushka.

Waxay maamushaa shirkadda shidaalka ee Sonango. Iyada iyo saygeeda oo ganacsade ah ayaa ku nool Dubai. Sida muuqata, ma qorsheynayso inay ku laabato Angola.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan