Home / Macluumaad / Waa maxay sababta Mikhail Popkovu u dilay 78 haween ah?

Waa maxay sababta Mikhail Popkovu u dilay 78 haween ah?

Himilo FM – Mikhail Popkovu oo horay uga mid ahaa booliiska dalka Ruushka ayaa lagu helay dilka 56 haween ah, taasi oo ka dhigaysa guud ahaan tirada haweenka uu dilay ninkan 78.

Mr Mikhail oo ka soo jeeda magaalada Angarsk ayaa geystay falalkaasi intii u dhaxaysay sanadihii 1994 illaa 2000, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxaa la xeray dilaagan sanadkii 2012 oo lagu helay dilka 22 qofood oo haween ah hase ahaatee danbiyada cusub ee dilalka ah waxay ka dhigaysaa ninkan dilaagii ugu khatarsanaa ee dad badan khaarijiya dalkaasi.

Ninkan oo da’diisu tahay 54 jir ayaa sheegay inuu dilalka geystay si uu magaalada uga nadiifiyo waxa uu ugu yeeray “Haweenka xun xun”

Falalka guracan waxa uu soo bilaabay sanadkii 1992, fal danbiyeedkii ugu danbeeyay ee uu fuliyo waxa uu geystay sanadkii 2010. Dhibanayaasha uu dilay waxay da’dooda u dhaxaysay 18 illaa 50 jir.

Baaritaanada la sameeyay ayaa muujiyay in uu dilalka geysan jiray habeenkii islamarkaana uu kufsan jiray dhibanayaasha kahor inta uusan dilin ama gowracin.

Waxaa xusid mudan in ninkan loo aqoonsaday inuu yahay dilaaga geystay dilalka ugu badan ee dalka Ruushka iyadoo uu ka dilal batay labo nin oo geystay 53 iyo 48 dil.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan