Home / Arrimaha Bulshada / Shaqo abuurka iyo shirkadaha nadaafadda ee gobolka Banaadir?

Shaqo abuurka iyo shirkadaha nadaafadda ee gobolka Banaadir?

Dhibaatada shaqo yarida ee dalka ka jirta waxay saameysay qoysas badan. Guryaheenna qaar ka mid ah dabkooda ayaa marar badan u degsan wax la’aan. Fursadaha shaqo ee la heli karo ayaa kooban, taasi waxay keentay inay xooggii shaqeyn lahaa ee dalka ay noqdaan kuwo aqalladooda iyo fadhiyada shaaha ku eg.

Mushkiladaha nololeed ee dalka ka jira waxaa sii kordhiyay abaaraha dalka ka jira, dad badan oo beerahooda ka shaqeysan jiray ayaa noqday baago-muudo noloshooda maareyn la’.

Boqollaal qoys oo ku tiirsanaa cadka iyo caanaha meesiyada xoolaha ay dhaqdaan ayaa soo galay xeryaha barakaca ee magaalooyinka ku yaalla.

Dadkaas magaalooyinka soo kor deggay waxay culeyska ku sii kordhiyeen kuwii horey u dagganaa oo la daalaa dhacayay helidda shaqooyin ku filan. Ilaa iyo hadda waddan kama jiraan mashaariic  waa weyn oo shaqo abuur u noqon kara muwaadiniinta ku taamaya inay wax soo saarkooda dheefsadaan.

Qaar ka mid ah shirkadaha ka hawl gala muqdisho ayaa isku hawlaya inay daboolaan kaalintooda shaqaaleysiinta xoogsatada. Shirkadda Ifi oo ka shaqeysta soo celinta bilicda gobolka Banaadir iyo maareynta qashinta ayaa shaqo abuur u sameysay qaar ka mid ah danyarta iyo dadka barakaca ah.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan