Himilo – Ku dhawaad Seddax milyan oo caruur soomaaliyeed ah ayaa banaanka ka jooga goobaha waxbarashada, sida ay sheegtay hay’adda caruurta iyo waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF. Tiradaasi waxaa laga baqdin qabaa inay ku kororto 400-kun oo kale, kuwaasi oo qoysaskooda ay u hayaameen degaano kale, iyaga oo nolol raadis ah.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dugsiyo ka badan 80 oo ku yaalla degaanno hoos yimaada maamullada Jubland iyo Galmudug ayaa ku xirmay abaarta taagan, halka 97 kalena ay qarka u saran yihiin in albaabada la isugu dhufto, taasi oo ka dhigan in 45,000 oo ah caruur oo wax ka baraneyay dugsiyadaasi inay banaanka kusoo dhici doonaan.
Caruurta ku nool xeryaha barakaca ee yaalla duleedka Muqdisho, in ka badan 70 boqolkiiba ma helaaan fursad waxbarasho si ay aayaha danbe u anfacaan naftooda iyo tan waalidkaba, sida lagu ogaaday daraasad ay dhawaan sameysay hay’adda Iftin Foundation.
Daraasadda oo bartilmaameedkeedu ahaa carruurta gaartay da’da waxbarashada ee aanan helan fursad waxbarasho ee ku nool xeryaha barakaca, ayaa waxaa lagu wareystay 119 qoys oo ku nool 16 xeryo oo ku yaalla 9 degmo oo hoos yimaada gobolka banaadir.