Home / Habka-Nolosha / Waa sidee xirrirka ka dhaxeeya Aubameyang iyo Lacazette?

Waa sidee xirrirka ka dhaxeeya Aubameyang iyo Lacazette?

Muqdisho – Laacibka xulka qaranka France Lacazette ayaa amaan dusha ugu huwiyey weeraryahanka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang, isaga oo ku yiri “Waa sida walaalkey oo kale”, kaddib markii mid kasta uu dhaliyey laba gool guushii ay axadda ka hantiyeen Fulham.

Galabnimadii axadda, garoonka Craven Cottage waxaa kusoo bilowday Lacazette, halka Aubameyang uu kursiga keydka kusoo bilowday, laakiin markii uu goolka dhaliyey Lacazette waxa uu u orday saaxibkiisa Aubameyang.

Aubameyang ayaa qeybta labaad ee kulanka waxa uu soo galay ciyaarta isaga oo laba gool kulanka ka dhaliyey, mid kasta oo kamid ah labadooda waxay xilli ciyaaredkaan horyaalka Premier League ka dhaliyeen afar gool.

Kaddib ciyaarta Lacazette waxa uu si diirran u amaanay saaxiibkiisa Aubameyang waxa uu yiri “Waa mid wanaagsan, isaga waa walaalkeyga oo kale” sidoo kale waxa uu yiri “ waxaan wada hadalnaa maalin kasta, waxaan si wadajir ah u jecelnahay shaqadenna, waxaan labadeenna si wada jir ah midkiiba u dhaliyey laba gool, waana wax wanagsan”.

Emery, markii la weydiiyey xiriirka labada ciyaaryahan ayaa ka gaabsaday in u hadalo dheeri ah ka bixiyo. “ waxay aheyd hanaan dheer oo aan ogahay tababar kasta,kulan kasta iyo go’aan waliba,waxaan xariif kunahay garoonka” ayuu yiri Emery.

Aubameyang ayaa kooxda u dhaliyey 16 gool 23-kiisii ugu horeyay uu kasoo muuqday Arsenal, wuxuna rikoor ahaan aad ugu sarreeya Thierry Henry marka loo eego sannadkiisii ugu horeyay ee kooxda.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. This patient has MГјllerian agenesis resulting in an absence of uterus, cervix and upper vagina buy priligy usa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan