Home / Wararka / Dhageyso: Warbixin xiiso gaar ah xanbaarsan oo aan ka diyaarinay gabar sida ragga oo kale kaxeysa gawaarida u kala goosha Magaalooyinka Wajaale iyo Hargeysa

Dhageyso: Warbixin xiiso gaar ah xanbaarsan oo aan ka diyaarinay gabar sida ragga oo kale kaxeysa gawaarida u kala goosha Magaalooyinka Wajaale iyo Hargeysa

Darawal ama Shufeer waa qofka awoodda u leh inuu maamulo Gaadiid ama Baabuur dul socda oogada Dhulka.

Darawal waa qof xirfad iyo aqoon u leh inuu baabuur kexeeyo oo si fiican u yaqaana sharciga waddada isla markaana haysta shahaado ogolaansho oo dowladuhu bixiyaan.

Darawalnimadu waxay noqon kartaa shaqo, taas oo ah in qofka darawalka ahi maamulo baabuur isagu aanu iska lahayn; sidoo kale waxa dhacda in qofku darawal ka noqdo baabuur uu isagu leeyahay.

Dunida sabankan aan ku nool nahay waxaa jira noocyo badan oo dirawalo ah mana aha darawalnimadu mid sahlan.

Waagii hore Dalkeenna kuma badneyn haweenka gawaarida kaxeeya laakiin waqtiyadii dhexe waxa soo badanayay haweenkaas inkastoo gawaaridaa ay ahaayeen kaliya kuwa raaxada.

Hadda qeyba kamid ah gobolada Waqooyi ee Dalka waxa ka jira dhawr haween ah oo aad u tira yar oo kaxeeya gawaarida isaga kala goosha degmooyinka gobolladaas.

Mid kamid ah haweenkaas oo kaxeysa gaari u kala gudba Wajaale iyo Hargeysa oo ay iyadu milki ahaan u leedahay waxaa la kulmay oo warbixintaan Xiisaha badan inooga diyaariyay Wariyaheenna Hanaa Maxamed Maxamuud oo hawlo shaqo u joogta hargeysa.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan