Home / Habka-Nolosha / Waaberi oo sanadki afaraad oo xiriir ah usoo baxday fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Waaberi oo sanadki afaraad oo xiriir ah usoo baxday fiinaalaha tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Muqdisho – Degmada Waaberi ayaa marki afarad oo xiriir ah xaqiijisay in ay  usoo baxdo fiinaalaha  tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir kadib  markii ay 1-0 uga adkaatay degmada Hodon.

Hodon ayaa  garoonka soo gashay iyadoo baahi wayn u qabta in ay ka aarsato  degmada Waaberi oo sanadki hore fiinaalaha tartanka ku garaacday isla markaana marki labaad oo xiriir ah beegsata fiinaalaha tartanka, halka Waaberi ay hankeedu uu ahaa in ay taariikh u samayso tartanka kubadda cagta degmooyinka si ay sanadki 4-aad oo xiriir ah ugu soo baxdo fiinaalaha tartanka.

Taageerayaasha labada degmo oo ay wehliyaan masuuliyiintooda ayaa garoonka soo camiray waxayna aad uga duwaynayd  dhammaan kulamadii  wareegga 8-da oo uu garoonka faaruq ahaa, waxaana  kadib bandhig ciyaareed aad loola dhacay   ay qaybta hore kusoo idlaatay 0-0.

Marki laysku soo laabtay ayay sidoo kale labada koox soo bandigeen ciyaar  isu dhigantay  heerka weerar iyo kubad qaybsiga waxaana daqiiqadi 68 goolka qura ee ciyaarta degmada Waaberi u saxiixay laacibka No-19  Abuubakar Axmed Cosoble.

Waaberi ayaa horay fiinaalka tartanka uga soo muuqatay  2014 oo ay guuldaro  2-0 kala kulantay Xamarwayne,  2015  markale ay  guuldaro kala kulantay   markii ay Boondheere 1-0 ku garaacday iyo 2017 oo ay  Hodon   3-1 kaga qaaday.

Waaberi ayaa  fiinaalka tartanka la ciyaari  doonta degmooyinka Shibis iyo Shangaani  maanta ballansan degmada soo baxda.

Kulanka galabta ayaa ka dhici doona garoonka Koonis ee ku yaala degmada C/Casiis.

 

About Ahmed Haaddi

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan