Home / Habka-Nolosha / “Waan Ku Necbahay RONALDO,”Sidaas Waxaa Yiri Ciyaaryahan Caan ah Hadaba Waa Kuma?

“Waan Ku Necbahay RONALDO,”Sidaas Waxaa Yiri Ciyaaryahan Caan ah Hadaba Waa Kuma?

Caadiyan taageerayaasha kubadda cagta waxa ay  inta badan jecelyihiin  inay ogadaan hadalada dhex mara ciyaartoyda waaweyn sida muranka  dhex mara inta lagu guda jiro garoomada iyo waliba marka ay ku kulman meel kabaxsan goobaha ciyaaraha.

Sidaas oo ay tahay xiddiga caanka ah ee RONALDO ayaa dhaawac looga saaray Final-kii Euro 2016 kaddib markii uu awoodi waayay inuu dhamaysto ciyaarta,  waxana dhaawacaas u sabab ahaa xidiga WEST HAM ee Dimitri Payet laakiin koobkaas waxaa ku guulaystay xulka Portugal.

Hadaba xiddiga Kooxda Real madrid ayaa kulankii darby madrid ee todobaadkan kadib ka sheekeeyay sheeko dhex martay isaga iyo garabka Atletico ee Antonio Griezmann kadib Tartankii Euro 2016 ee lagu marti galiyay dalka France.

“Waxay ahayd arrin qosol leh ” sidaasi Ronaldo ayaa u shegay France Football.

“maxaa yeelay wax yar kaddib Finalkii Euro aniga oo fasax ku qaadanaya Miami waxaan Hotel laga cunteeyo isugu soo galnay Antonio oo la cashaynaya gacalisadiisa , kadib markii uu i arkay ayaa uu iigu yimid miiskii an ku cunteenayey, waxaana uu si dhoolla caddays leh hadalkisa ugu horraysiiyay  ‘Cristiano waan ku necbahay’”

C.Ronaldo ayaa intaas ka dib ka hadlay  wixi kallifay in xulka France oo marti galinaayay tartankaas ay ku fashilmaan in ay ku guulaystaan sanadkaas.

“Dabcan dadaalku waa waxa ugu muhiimsan . waxaan dhamaantayo ogeyn inaanan annagu ahayn kooxda weyn ”

“Markii aan iskulalaynta ku jirnay waxaan arkaynay ciyaartoyda Faransiiska oo nefis badani ka muuqdo, si  aad ah ayay u qoslayeen , xaq ayaad u leedahay inaad dhoolla caddayso laakiin iyagu aad ayay u faraxsanaayeen middasna xamaasad ayay nagu beertay” Ronaldo ayaa hadalkiisa ku daray.

”Kalsooni xad dhaaf ah ayay isku qabeen waxayna is lahaayeen si dhib yar ayaad kaga  guulaysan kartaan ugu yaraanna taas ayay ahayd kediskii aan tusnay iyaga .“

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan