Home / Macluumaad / Waji walba wuxuu tebiyaa sheeko!

Waji walba wuxuu tebiyaa sheeko!

Muqdisho – Jacqueline Saburido waxay qaadaneysay fasax jaamacadeed markii ay timid Maraykanka si ay u barato Ingiriiska. Waxay ku sugneyd gobolka Texas wax ka yar bil markii burbur ku dhacay uu nolosheeda gebi ahaanba wada rogay.
Darawalka cabsanaa kaas oo ku dhuftay gaariga wuxuu xabsiga ku qaatay toddobo sano. Iyadu waxay heshay nolol.
-Qoob-ka-ciyaarto, Dabaalato, Saaxiib iyo Inan-
Jacqueline Saburido waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay magaalada Caracas ee caasimadda dalka Venezuela. Ahaanshaha ubadka qura ee aabaheed, waxay la nooleyd aabe kadib markii ay kala tageen labadeeda waalid. Waxay jeclaan jirtay inay xeebta u damaashaado; qoobka ciyaarto; lana soo dalxiisto saaxiibadeeda.
Jacqueline waxay rabtay inay aabaheed ka caawiso la maareynta shirkadiisa soo saarta aaladaha wax qaboojiya kadib markii ay dhameysay waxbarashadeedii injineeriyadda ee heerka jaamacadeed. Hayeeshe, waxay marka hore doontay inay barato ku hadalka afka Ingiriiska.
Qof kasta waqti buu ku dhintaa
Natalia Bennet iyo afar kale ayaa xaflad ka dhacday Austin kaga soo laabtay gurigooda. Booska horreeya waxaa fadhisay Jacqueline Saburido. Waxay aheyd toban saac habeenimo ee subax Axad, September 19, 1999.
Reggie Stephey, oo 18-jir ahaa, wuxuu sidoo kale ku socday wadada tagta gurigiisa. Wuxuu ahaa mid cabsan. Wax ka yar mile, Stephey wuxuu xijin waayay xakamaha gaariga. Wuxuuna gaariga ku dhiftay madaxa gaariga kale ee Natalia ay waday. Natalia iyo Laura way ku dhinteen isla goobta.
Gaariga oo wada gubtay awgiis, Jacqueline, boqolkiiba lixdan jirkeedii wuu gubtay. Hayeeshe, waxaa qorneyd inay sii noolaato.
-Hal doorasho iyo dhibanayaal badan-
Reggie wuxuu dugsi sare ka dhiganayay Austin. Ku naaloonta dabaqadda sare ee nolosha, wuxuu qabay rajooyin uu kaga sii hiranayay waxbaarshadiisa. Hayeeshe, rajooyinkani way la qarsoomeen kolkii isaga oo cabsan uu isku dayay inuu gaari usoo qaato gurigiisa. Wuxuu—nuuca gaarigiisa oo ahaa SUV—ku dhiftay gaari ay saarnaayeen shan qofood.
Laba kamid ah ayaa ku dhimatay isla goobta. Jacqueline Saburido ku dhawaad dhimasho ayay ku guban gaartay markii uu gaariga wada ololay.
Reggie waxaa lagu qaaday qodobka ku hoos dhashay gabool-fal uu ku geystay cabsanaantiisa. Waxaana lagu riday toddobo sano oo xabsi ah. Waxaa lasii daayay sanadkii 2008-dii. Noloshiisuna sidii hore ma noqon doonto.
-Way wada doorsoontay-
Waxa kaliya ee ay Jacqueline ka xusuusan tahay burburka waa yeerta helicopter u timid si ay isbitaalka ula cararto. Gubasho qoto dheer oo gibilkeeda wada martay ayaa indhaheeda bar tiray kana dhigay indhool. Waxa wada tirmay timaheeda; halka dabku uu si lamid ah ula tagay dhamaan xubnaheeda madaxa sida sanka, suniyaha iyo faruuryaha. Waxaa  kale oo gurmay faraheedii gacmaha. Waxaana kaliya kusoo haray calaacalo. Dhaqaatiirtu maanay fileyn inay samata-bixi doonto.
Laakiin way samata-baxday. Jacqueline waxay martay dhowr iyo boqol qalliin taniyo burburkaas. Markii qarashka daawadeeda uu kor u dhaafay shan malyuun oo doolar sanado kahor, Jacqueline waxay lumisay isugeynta wadarta guud ee qoondada. Mana lahan wax ceymis caafimaad ah.
Daryeel furnaanta iyo noloshii farxadda laheyd ee Jacque oo mar ahayd gaban ku nool Caracas ayaa luntay. Muuqaalkeedii iyo awoodii ay xurnimo ugu noolaan kartay ayaa ku baxay gubasho—taas oo iridaha u xirtay qorshayaashii shaqo iyo qoysnimo ee ku weynaa dubaaqa Jacqueline. Waxay ku socotaa hubaal la’aan ah sida uu mustaqbalkeedu u ekaan doono.
-Aabe, Daryeele iyo Saaxiib rumaad-
Amadeo Saburido, oo ah Jacqueline aabaheed, wuxuu taniyo shilka dhinac taagnaa gabadhiisa. Wuxuu kasoo tagay xaruntiisa ganacsi, gurigiisa iyo dalkiisa si uu u kalkaaliyo inantiisa una daryeelo had iyo jeer. Maalmuhu waxay iskugu rogeen bilooyin. Bilooyinkuna waxay iskugu rogeen sanado. Wuu u labisaa; u qubeeyaa; una quudiyaa. Kahor iyo kadibba, wuu la taagan yahay qalliin kasta oo lagu sameeyo.
Amadeo wuxuu ku haray qofka ugu muhiimsan ee nolosha Jacqueline Saburido.
-Balaayiin dad ah oo bartay Jacqueline-
Mid kamid ah shirarkeedii badnaa ee saxaafadda, Jacqueline waxay si geesinimo leh u tiri; “Xitaa haddii ay tani ka dhigan tahay inaan dhego la’aan, suniyo la’aan, san la’aan iyo timo la’aan soo hor fariisto kaamirooyinka, waxaan sameyn doonaa kumaankun jeer haddii ay qof ku caawinayso inuu go’aan xikmadeysan uu ku qaato.” Madhaafisteeda ay kaga badbaadinayso kuwa kale waaya’aragnimadeeda xanuunka badan, waxay ka dhigtay inay ka qeyb-qaadato ol’olaha dadka looga wacyi-gelinayo inaysan gaari wadin iyaga oo cabsan.
Taniyo shilka, waxaa lala yeeshay dhowr waraysiyo oo dunida dacalladeeda ah. Waxay sidoo kale laba jeer kasoo muuqatay show-ga Oprah Winfrey.
Tiradii ugu danbeysay ee la qabtay ayaa sheegaysa in ku dhawaad hal bilyan oo dad ah ay sheekadeeda maqleen.
-Nolol cusub-
Jacqueline waxay xumaan u dareemi jirtay nolosheeda iyada oo ooyi jirtay maalin kasta shan daqiiqo. Deedna waxay ku dhaqaaqi jirtay waxa kala gudboon nafteeda; tilmaamaha dhaqtarka, qaliin, jimicsi iyo la hadalka asxaabteeda iyo is-weydaarsiga farriimaha.
Sanado badan, waxay dib u heshay arageeda iyo inay wax ku qabsato gacmaheeda.
Nolosha ay hadda ku jirto ma ahan nolol ay fileysay ama qof uu jeclaan lahaa. Hayeeshe, waa nolosheeda. Waxayna ku koraysaa la qabsigeeda.
-Saameysay Aadanaha-
Jacqueline waloow muuqaalkeedu uu is-rogay, hadana qalbigeedu waa sidiisii. Waxay sheegtay inay iska cafisay Reggie Stephey. Mar ay ka hadlaysay show-ga Oprah, Jacqueline waxay tiri; “Cafintu waxay lama huraa u tahay ruuxda. Ruux ahaantayda, si aan nabad ugu noolaado, waa inaan iska cafiyo kuwa qaldamay.”
Reggie Stephey isaga oo ka war-celinaya siday ula dhadhantay falka suuban ee Jacqueline ku cafisay wuxuu yiri; “Markii iigu horreysay ee aan la kulmo iyada iyo kuwii la dhibanaa, waxay ii nabdaadiyeen sida qof caadi ah iyaga oo isku kay duubay. Waxayna igu tiri; aniga kuma necbi. Taasina waxay igu aheyd xilli badalay noloshayda. Qof og inaad tahay burburiyaha nolosheeda ee hadana kuu muujinaysa inaysan waxba kuu qabin waa wax aan la heli karin. Waxayna iiga mid tahay dadka iigu qurux badan dunida.”
Qore: Zakariya Hassan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

About radio himilo

2 comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan