Home / Madadaalo / Waligaa ma isku qaladay Bisad iyo Shabeel?

Waligaa ma isku qaladay Bisad iyo Shabeel?

Himilo – lammaane Faransiis ah, ayaa mid kamid ah mareegaha wax lagu xayeeysiiyo ee Internet-ka kasoo iibsaday Shabeel yar oo ay moodeen bisadda nooceeda laga helo Africa.

Sanadkii 2018-kii, ayey bixiyeen 7-kun oo doolar si ay usoo iibsadaan mukulaasha Savannah cat, taas oo ah dab joog iyo duur joog-ba.

Kaddib muddo todobaad ah oo ay xanaaneynayeen maxaa ku dhacay?

Waxey ogaadeen in xayawaanka ay quudinayaan inaysan ahayn bisad, balse uu yahay Shabeel yar, kaas oo ka mid ah noocyada ka dabar go’aya dunida.

Dacwad oogayaal kiiskaasi baarayay muddo laba sanno ah, ayaa ugu danbeyntii xabsiga dhigay sideed ruux oo ay ku jiraan lammaanaha la qalday, wallow markii danbe lasii daayay.

Shabeelka yar ayaa waxaa la wareegtay dowladda. Gudaha Faransiiska waxaa mamnuuc ah inaad rabaayadeyso ama aad xanaaneysato Shabeel, Bisadase waa la ogol yahay.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan