Home / Macluumaad / Wankii ugu qaalisan dunida oo lagu iibiyay ku dhawaad $500,000

Wankii ugu qaalisan dunida oo lagu iibiyay ku dhawaad $500,000

Himilo – Ma ahan in aad layaab ka dhigato suurtagalnnimada waxyaabaha qaar ee dunida ka dhacaya, maantase waxaan kuu soo bandhigeynaa mid kamid ah layaabyadaasi.

Dalka Scotland waxaa isbuucii lasoo dhaafay sheeko xiisa gaar leh kaddib markii wan lagu iibiyay ku dhawaad $500,000.

Wanka oo lagu magacaabo Double Diamond, ayaa lagu soo bandhigay Scottish National Texel oo ah xarunta lagu xaraashay, iyada oo uu markii hore qiimaha gorgortanku ka billowday 10,000 oo guineas oo doolar ahaan u dhiganta $13,000.

“Keliya waa sida ganacsiyada kale,” ayuu yiri Jeff Aiken oo kamid ah shaqsiyaadka wanka laga iibiyay mar uu wareysi siinayay Guardian.

Horey rikoorkan waxaa loogu diiwan geliyay wan lagu magacaabo Deveronvale Perfection oo sannadkii 2009-kii lagu iibiyay qiimo dhan $307,000.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan