Home / Arrimaha Bulshada / Warbaahin raadineysa shaqaale ay lacag ku siiso hurdo

Warbaahin raadineysa shaqaale ay lacag ku siiso hurdo

Himilo – Mareeg caafimaadka ka talo bixisa waxay raadineysaa hawladeeno ay lacag ku siineyso inay u hurdaan iyagoo qaadan doona mushaar dhan $2,000.

Shaqadan oo socod doonta shan cisho shaqaalaha nasiibka u yeesha waxay shan habeen  seexan doonaan shan meel oo degaan ahaan kala duwan.

Ujeedka hawshan loo qabanayo waa in  la ogaado macluumaad ku saabsan waxyaabaha saameynta ku leh hagaagsanaan hurdada qofka ee bey’ada ku hareereysan ka  yimaada.

“Haddii lagu qaato, waxaan kuu direynaa habeen walba meel cusub, oo ay ku jiraan dabaqyo ku yaalla xeebaha dal-xiiska. Dhammaan qarashkana waa lagaa bixin.”  Qoraalka mareegta ay soo saartay ayaa sidaas lagu yiri

Masuuliyadda qofka shaqadan qabanaya waxay noqoneysaa, inuu si fiican u qeexo meelaha kala duwan ee la seexiyo isagoo darajo qiimeyn ah gaar ah siinaya goob kasta.

Dadka doonaya shaqadan waxay u codsan karaan hab online ah , qabashada araajida waxay ku eg tahay 30 March.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan