Himilo – In ka badan 2,300 oo shabeel ayaa la dilay taniyo bilowgii qarnigan – celcelis sannadka kasta waxaa la qabtaa ugu yaraan 120 shabeel , kuwaa si sharciga baal marsan loo dhoofiyo.
Wixii ka dambeeyay 2000, kooxaha deegaanka ayaa waday digniin, marka laga cabbir qaato tiro-koobkan waxay ka dhigan tahay in maalin walba la dilo labo shabeel.
Sannadkii 1900, tirada shabeelka dunida waxaa lagu qiyaasay in ka badan 100,000. Tirada ayaa hadda aad hoos ugu dhacday balse weli waxaa dunida u haray 3,200 si ku cad xogta.
Kanitha Krishnasamy, oo warbixinta qortay waxay tiri “ waxaa dhamaaday xilligii hadalka, waa in erayada loo bedelaa ficil si looga hortago sii daba go’idda shabeelka’.
Qiimaha sare ee haragiisa ayaa dowr weyn ku leh in si ba’an loo u gaarsado. Sannadkii waxaa la qabtaa ugu yaraan 58 harag. Dawlahada waxaa lagu booriyay inay gacan ka gaystaan qabashada kuwa ka ganacsada.