Himilo – In ka badan 4 bilyan oo qof—qiyaastii kala bar dadka dunida—ayaa la kulmay ugu yaraan hal bil oo kulayl daran ah inta u dhaxeysay May 2024 ilaa May 2025, taas oo si toos ah loola xiriiriyay isbedelka cimilada ee uu sababay bani’aadamka, sida lagu sheegay warbixin cusub oo caalami ah.
Warbixinta oo ay si wadajir ah u diyaariyeen hay’adaha World Weather Attribution, Climate Central, iyo Red Cross, waxay tilmaantay in kulaylka xad-dhaafka ah uu sababay xanuunno, dhimasho, khasaarooyin ku yimid dalagga beeraha, iyo culays soo fuulay nidaamyada tamarta iyo adeegyada caafimaadka.
“Inkastoo fatahaadaha iyo duufaannada si joogto ah u galaan warbaahinta, kulaylka waa dhacdada ugu dhimashada badan marka laga hadlayo masiibooyinka dabiiciga ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Dhimashooyinka la xiriira kulaylka ayaa inta badan aan la diiwaangalin ama waxaa lagu qariyaa cudurro kale sida xanuunnada wadnaha ama kelyaha, sida uu sheegay Dr. Friederike Otto, oo ah bare ku xigeen cilmiga cimilada ka dhiga Imperial College London.
“Dadku si lama filaan ah uguma dhintaan waddooyinka marka uu dhaco kuleyl daran… waxay ku dhintaan gudaha guryaha oo aan la qaboojin ama isbitaallada, taasoo ka dhigaysa in aan la dareemin baaxadda dhibaatada,” ayuu yiri Otto.
Kooxaha ugu nugul ee uu saameeyo kulaylka waxaa ka mid ah dadka waayeelka ah, dadka danyarta ah, iyo kuwa qaba xanuunnada daba-dheeraaday.
Cilmi-baarayaashu waxay adeegsadeen habab cilmiyeed la aqoonsan yahay si ay u cabbiraan sida isbedelka cimilada uu u kordhiyay heerkulka kulaylka xad-dhaafka ah iyo sida ay ugu badnaatay dhacdooyinkaas.
“Dalka kasta oo dunida ka mid ah, maalmaha kulaylka daran ayaa laba jibaarmay ama ka badan,” ayay warbixintu xustay.
Warbixintu waxay soo jeedisay in dowladaha iyo bulshooyinka ay hirgeliyaan istaraatijiyado ay ka mid yihiin:
- Samaynta nidaamyo la socda iyo warbixinta heerkulka kulaylka
- Adeegyo caafimaad oo degdeg ah
- Xarumo qabow ama hoy loogu talagalay kulaylka
Laakiin waxay warbixintu ku adkaysatay in tallaabada keliya ee dhab ahaan lagu yareyn karo kuleylka mustaqbalka ay tahay ka guurista isticmaalka shidaalka foosha leh sida dhuxusha, naftada, iyo gaaska dabiiciga ah.