Home / Cayaaro / Wargeysyada ugu waawayn Spain oo weerar ku qaaday UEFA

Wargeysyada ugu waawayn Spain oo weerar ku qaaday UEFA

Himilo – Wargeysyada Isboortiga ee Spain ka soo baxa ayaa ku weeraray UEFA boga gooda hore kuna tilmaamay ‘ceeb’ ka dib isku aadkii muranka dhaliyay ee 16-kii Champions League ee ay Real Madrid ku aaday Paris Saint-Germain – ka dib markii isku daygii ugu horeeyay ay isku dhaceen Benfica.

Isku aadkii Isniintii ayaa la arkayay kooxda Carlo Ancelotti oo markii hore ku aaday  kooxda reer Portugal laakiin qalad markii danbe ka dhacay isku aadka Manchester United ayaan lagu darin dherigii ay ku wajihi lahayd Atletico Madrid – taasoo keentay in dib loo sameeyo.

Real ayaa markaas ku dhacday kooxda reer France ee PSG ka dib markii isku aadkii hore lagu dhawaaqay inuu waxba ka jirin, warbaahinta Spain ayaa haatan si cajiib ah u sheegtay in UEFA ay dib u heli doonto kooxda La Liga ka ciyaarta doorkii ay ku lahayd mashruucii muranka dhaliyay ee Super League ee horaantii sanadkan.

Marca ayaa boggeeda hore ee subaxnimadii  maanta u adeegsatay ereyga ‘Shame’, iyadoo ku sifaysay khaladkii UEFA ee samaynta isku aadka.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in agaasimaha xidhiidhka caalamiga ah ee Real Madrid Emilio Butragueno, uu u adeegsaday ereyada ‘wax laga xumaado’ iyo ‘la yaab’ qoraalkiisa fagaare ee ku saabsan muranka isniintii, waxa uu dhab ahaantii aaminsan yahay in UEFA ay ‘khiyaanaynayso’ iyada oo loo marayo ‘fadeexad aan la aqbali karin’.

Marca ayaa sidoo kale sheegtay in hadda uu jiro ‘dagaal guud’ oo u dhexeeya UEFA iyo Real, kaasoo asal ahaan ka dhashay go’aankii madaxweynaha kooxda Florentino Perez ee ahaa in la aasaaso Super League-ga muranka dhaliyay ee ka yaabsaday kubbadda cagta bishii Abriil.

Real, Barcelona iyo Juventus ayaa ah saddexda kooxood ee kaliya ee aan cambaarayn mashruucan ka dib markii sagaal kooxood – oo ay ku jiraan ‘Big Six’ –ka Premier League  dhamaantood ay isaga baxeen ka dib jawaab celin ka timid taageerayaasha iyo bulshada kale ee kubada cagta.

Marca ayaana aaminsan in UEFA ay isku dayeyso inay la heshiiso Real ka dib markii Perez uu diiday inuu ka saaro meesha mashruuca, inkastoo Juventus ay iska ilaalisay koox weyn ka dib markii lagu beegay Sporting Lisbon, ka dibna kooxda Isbaanishka ee Villarreal isku aadkii 2aad ee la sameeyay.

Barcelona ayaan u soo bixin wareega 16ka Champions League laakiin waxa loo gacan galiyay dooqii ugu adkaa ee  isku aadkii isniintii Europa Leaque-ga iyada oo lagu beegay kooxda u dagaalamaysa horyaalka Serie A ee Napoli.

Meelo kale oo Spain ka mid ah, AS iyo SPORT ayaa isku aadka Champions League ee UEFA ee muranka badan dhaliyay ku tilmaamay mid ‘duqayn ah oo ay ugu wacan tahay dhibka kulanka Real Madrid.

Los Blancos ayaa wajihi doonta loolanka Lionel Messi, Neymar iyo Kylian Mbappe, weeraryahankii ay dalabyo badan ka gudbiyeen suuqii xagaagii hore.

W/Q:Hanaa Maxamed Maxamuud

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan