Home / Dibada / Wariyihii loogu jeclaa tabinta wararka Gaza oo magaaladaa isaga baxay

Wariyihii loogu jeclaa tabinta wararka Gaza oo magaaladaa isaga baxay

Himilo-Madaxa xafiiska Aljazeera ee Qaza, Wael al-Dahdouh, ayaa ka baxay dhulka Falastiin Talaadadii, sida uu u sheegay AFP, kadib markii ay duqaymo ay geysteen Israel ay ku dileen xaaskiisa, caruur badan iyo saaxiibkiis.

Muuqaallada Dahdouh oo u baroordiiqaya qoyskiisa oo lug uga soo cararaya magaalada Gaza ayaa si caalami ah loo sii daayay toddobaadyadii la soo dhaafay tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya maleeshiyada Xamaas iyo Israa’iil 7-dii Oktoobar.

Isagoo la hadlayay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP, ayaa 53-jirkan waxa uu sheegay in uu ka soo gudbay xadka Rafah uu la wadaago Masar.

Dahdouh waxa uu sheegay in uu u sii gudbi doono dalka Qatar halkaas oo uu ku mari doono qaliin lagaga sameeynayo dhaawac ka soo gaaray weerar ay Israa’iil fulisay bishii hore, kaas oo lagu dilay sawir qaade u shaqaynayay shabakadda ay xarunteedu tahay Qatar oo lagu magacaabi jiray Samer Abu Daqqa iyo dhawr qof oo kale.

Xaaskiisa, laba caruur ah oo ay dhaleen iyo wiil uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay duqeyn bishii October ka dhacday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza, halka wiilkiisa ugu weyn uu ku dhintay weerarro bishan lala beegsaday gaari marayay Rafah.

Dahdouh waxa uu galay Masar Talaadadii isagoo la socda nin ay qaraabo yihiin, ka dib markii afar carruur ah oo uu dhalay ay ka gudbeen xadkaasi todobaadkii hore, sdia uu u sheegay AFP.

Ugu yaraan 82 saxafi ayaa lagu dilay dagaalka Israil iyo Xamaas, 75 ka mid ah waxaa lagu dilay Gaza, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay guddiga difaaca suxufiyiinta.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan