Wasaaradda Caafimaadka ee Iiran oo soo saartay qasaaraha ka gaaray dagaalka

0
8

Himilo – Wasiiro ku xigeenka caafimaadka Iran, Iraj Harirchi, ayaa Sabtidii shaaciyay in tirada dadka ku dhintay weerarrada cirka ee Israel ay kor u dhaaftay 430 qof, iyadoo in ka badan 3,500 rayid ahna ay ku dhaawacmeen tan iyo markii weerarradu bilaabmeen 13-kii Juun, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Caafimaadka oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah.

Weerarrada Israel ayaa beegsaday goobo badan oo ay ka mid yihiin keydadka gantaallada, xarumaha nukliyeerka, iyo degmooyin dadku degan yahay oo ku kala yaalla magaalooyinka Tehran, Isfahan, Qom, Khorramabad, iyo kuwo kale.

Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ahaa xarunta nukliyeerka ee Isfahan, taas oo mas’uuliyiinta Iran ay sheegeen inaanay jirin wax daadis halis ah oo ka dhacay.

Dhanka kale, hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Activists News Agency ayaa Khamiistii sheegtay in tirada dhimashada ay gaartay ilaa 639 qof, iyadoo ku dhowaad 1,300 kalena ay dhaawacmeen.

Iran ayaa weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo isudaba joog ah ku qaaday gudaha Israel si ay uga jawaabto duqeymaha.

Dhanka Israel, ugu yaraan 25 qof ayaa lagu dilay, in ka badan 2,500 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Iran, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israel.