Home / Madadaalo / Wasiirkii fuulay geedka si uu ula hadlo saxaafadda

Wasiirkii fuulay geedka si uu ula hadlo saxaafadda

Himilo – Dalka Srilanka, ayaa wajahaya gabaabsi xagga geed Qunbaha, kadib markii uu kordhay dalabka gudaha iyo dibadda ee mirahaasi.

Waxaa loo aaneynayaa dalabka kordhay, qiyaastii 700 oo milyan oo geed qumbe ah oo la jaray.

Sida ay daabacday mareegta Hiru News, wasiirka qumbaha dalkaasi ayaa fuulay geed si uu u muujiyo suququlka dhanka qumbaha ah ee ka jira Srilanka.

Isaga oo ku dhaggan geedka qumbaha ah, wasiir Arundika Fernando ayuu yiri “waxaan rajeynayaa in goob waliba oo la heli karo lagu beero qumbe, si loo xoojiyo suuqa ganacsi ee dibadda”.

Shirka Wasiirka, ayaa hadal heyn ka dhex abuuray bulshada, kadib markii baraha bulshada la dhigay muqaal laga soo qaaday wasiirka.

Dadka ka aragti dhiibanayay qaarkood ayaa bogaadiyay tillaabada wasiirka, iyaga oo leh waxa uu indha dowladda iyo shacabkaba ku jeedin kartaa dhibaatada jirta si xalkeeda loo helo.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan