Home Cayaaro Watford oo shaqadii ka eriday tababaraheeda

Watford oo shaqadii ka eriday tababaraheeda

0
11

Himilo – Tababare Xisco Munoz ayaa shaqadiisii leylinta kooxda Watford laga cayriyay kadib muddo 10 bil oo uu u shaqeynayay.

41 waxaa xilkiisa tababarnimo loo magacaabay bishii December sannadkii 2020-ka. Wuxuuna kooxda dib ugu soo celiyay horyaalka koobaad.

Kala horreynta kaalinta horyaalka Premier League waxay kooxdu hadda kaga jirtaa kaalinta 14aad. Keliya 7 dhibic ayay kooxdu heshay 7 kulan oo ay ciyaartay.

Kooxda Watford labadii sano ee tagtay waxaa soo maray in ka badan shan tababare, sannadkan waxay ku dedaaleysaa inay sii joogto horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan