Home / Macluumaad / Wax ka badan CAFIS aan laheyn EREYO lagu sifeeyo!

Wax ka badan CAFIS aan laheyn EREYO lagu sifeeyo!

Muqdisho – Laba sano kadib markii gabadheeda si kama uu u toogtay wiil ay isku dugsi ahaayeen oo baska la saarnaa, Ady Guzman-DeJesus waxay maxkamadda kula kulantay dilaagii inanteeda, Jordyn Howe.

Ady waxay sameysay arrin markii ay aragtay Howe ay dad badan ku adag tahay inay rumeystaan; waxay siisay hab iyada oo cafis deeqsinimo leh u fidisay. Laga yaabee inay adag tahay suuraysiga sida waalid uu hab u siin karo dilaaga cunugooda, hayeeshe Ady waxay aragtay fursad ay ku sameyn karto mid ka fiican halkii inan yar xabsi loogu taxaabi lahaa qalad uu kama u geystay.

Howe ayaa si aan kas aheyn u toogtay Lourdes Guzman-DeJesus oo jirtay 13 sano bishii November sanadkii 2012 iyaga oo wada saaran bas iskuulka Miami-Dade. Howe ayaa soo qaatay biskooladda adeerkiis oo qaba hooyadiis isaga oo lasoo aaday iskuulka.

Wuxuu tusayay qaar kamid ah saaxiibadiisa markii Lourdes oo ag-taagan ay kaga fakatay xabad dhuunta uga dhacday – kadibna ay u geeriyootay.

Inta lagu jiray dhageysiga dawcaddiisa, Howe wuxuu qirtay inuu si sharci-darro ah iskuulka ula yimid hub. Hayeeshe, kadib ku ridista xukun daran, Ady waxay badashay maskaxdeeda – iyada oo garowsatay in dilaaga inanteeda uu ahaa carruur markii uu falkan ku dhacay.

Ady ayaa maxkamadda ka dalbatay inay ka fududeeyaan xukunka si muddo kooban uu ugu qaato xarunta dhaqan-celinta iyo akhlaaqda kadibna uu Ady ula galo safar ujeedkiisu yahay inay dadka ka wacyi-geliyaan halista hubka iyo qoryaha.

Go’aanka Ady ayaa muujinaya heerka cafis aan la qiyaasi karin – halka dadka qaar laga yaabo inaysan si cad u fahmi karin arrinka hooyadani sameysay, in kale ayaa ku doodi kara in cafisku yahay jawaabta saxda ah ee musiibada nolosha.

Si kasta oo aad u fiiriso, waxa ay Ady sameysay waa sharaf, karti iyo geesinnimo dhinac walbaba.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan