Home / Macluumaad / Wax ka baro umadaha ugu isir ku faanka badan caalamka.

Wax ka baro umadaha ugu isir ku faanka badan caalamka.

Muqdisho – Falsafadda xun ee dadka gun iyo gob u kala saarta waa dhaqan la kowsaday jiritaanka ina Aadan. Wuxuuna mar walba ahaa caqabad ama furaha mushkiladaha kala xadeeya umadaha dhexdooda.

Yasidda ama duwidda waa ficillada takooridda ah ee lagu baadi sooco dadka ay ugu yeerayaan gun. Ka dhiidhinta ama diidista tilmaantaas muujinaysa liidnaanta, waxay had iyo jeer la timaadaa loolan ku dhisan canbaarayn, aflagaado iyo meel-ka-dhac dhex mara kuwa loogu yeero iyo qolada sarreynta sheeganaysa.

In kasta oo wax ka dheer waxa lagu gaar-yeelayo ama lagu fudaydsanayo aan laga baran, haddana kusii raagista marxaladaha qaar ee durjinaya inay kasoo sara-kacaan heerka lagu liidayo; hiigsadaanna meelo sarsare ayaa ka dhigtay falsafaddan xun inay murqaha ku wada fidsato bulshada qeybaheeda kala duwan.

Istakoorku waa cudur soo jireen ah oo dunida ka jiray. Giriigii hore, Reer Ruum iyo Hindida dhammaantood way ku dhaqmi jireen.

Aadmi kasta oo is-bida inuu wax dheer yahay dadka wuxuu ku tallaabsanayaa inuu ku gumeysto waxyaalaha uu heli karo oo aanay kuwa kale heli karin sida awoodda, maalka, muuqaalka, midabka, cilmiga iyo codkarnimada.

Isir isugu faanku waa dabeecad asal ahaan ku dheehan tahay dhismaha maskaxda aadmiga ama baxaalliga asalka ah ee loo yaqaan xukun jaceyl, xagga kasmo-nafeedka; waase lagu kala daran yahay, waxaana ugu isir faan badan Yuhuudda, Hinduuga, Aariyiinta iyo Carabta.

Dunida waxaa ugu faan badan Yuhuudda oo sheegata inay ilmo Ilaahay yihiin; dunida inteeda kalana loo abuuray inay u adeegaan. Fikraddaas Qur’anka aayado badan ayuu ku diiday. Bunni kamid ah Golaha Kongareeska Maraykanka ayaa buuggiisa Aawake ku faah-faahiyay arrintan.

Wuxuu buuggiisa ku yiri; “Waxay ugu dhaqmaan si la yaab leh oo dunida cid lamid ah aysan jirin. Iyagaa iska takoora dunida kale oo ma oggola in ciriq kale soo dhex-galo, gabadha Yuhuuddu nin kale maguursado, wiilka Yuhuudiga ahna ma guursan karo gabar kale. Haddii ay taasi dhacdo waxaa loo qaadanayaa qof diinta ka baxay. Waxay dhalaanna waxay u arkaan wacallo ‘garac’.

Marka taasi waxay keentay inay noqdaan bulsho xirxiran oo dunida oo dhan ka takooran, waxayna u halgamayaan in dadka kale ‘adeegayaashooda’ ay ku dulleystaan aragtidooda. Taasina waxay sababtay in xoogagga kasoo horjeeda oo markii muddo laga joogaba dagaal cagta ku mariya laga bilaabo waqtigii Akhtoonism-kii reer Baabil ilaa casrigii Hitler.

Hinduuga waa qolada labaad ee diin ahaan ugu faanta isirka. Waxay leeyihiin lakabyo heerar ahaan kala sarreeya. Dabaqadda ugu sarreysa waa qolada diinta haysa oo iyagu xubno ilaahnimo isku qaba ‘Brahman’; Kshatriya waa kuwa qaabilsan ciidanka nabadda suga; Vaishya waa qolada saddexaad ee dhaqaalaha iyo ganacsiga; Shudra waa kuwa afaraad ee ka kooban beeralayda iyo shaqaalaha; Dalit waa qolada ugu hooseysa oo xittaa aan loo oggoleyn inay u noolaadaan sida Insaan sharaf iyo mudnaan u qalma.

Dalit-ku xittaa 20 tallaabo uma soo dhaafi karaan Brahman-ka.

Aariyiintu ama reer Yurub oo ah kuwa saddexaad ee isirka isugu faana, waxay aaminsan yihiin inay ka sarreeyaan dadka ku dhaqan qaaradaha kale ama aan la midabka ahayn. isir ku faanku siyaalo badan ayuu kaga jiraa dunida. Waxaa kamid ah aragtidii Naaziga ee Hitler taas oo ku dhisnayd in isirka Aarigu dadka kale ka sarreeyo oo uu yahay kan kaliya ee dunida wax ka curiya ama wax kasoo saara.

Carabtu iyaguna waxay qabaan inay ka gobsan yihiin dadka kale gaar ahaan markii Qur’anka lagu soo dejiyay afka Carbeed; Suubanaha NNKH uu kasoo baxay.

Taasi waxay keentay inay dadka ka xigsadaan Islaamka kuna faanaan. Waxay aaminsan yihiin qaarkood inay hoggaanka u qabtaan dadka ku abtirsada diinta.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan