Himilo – Kahor feyruska Corona ee hadda ku fiday 80 –dal oo caalamka ah, waxaa dunida soo maray xanuuno reebay cawaaqibyo aanan la mahdin, galaaftayna nolosha malaayiin ruux.
WHO- hay’adda caafimaadka dunida-, waxa ay xanuunadaasi ku dartay shaxda kuwii ugu dhimashada badnaa ee waqtigan casriga ah soo mara caalamka.Hadaba maxaa ka mid ahaa.
Smallpox

Waxa uu ka mid ahaa xanuunadii ku faafay dunida ee gaaray da’ waliba. Waxa uu lahaa nabro yar yar oo dheecaan leh, kuwaas oo kasoo baxa wajiga gaarana jirka oo dhan.
Kiiskii ugu danbeeyay ee xanuunka waxaa la helay bishii Oktoobar ee sanadkii 1977-kii, seddax sano kadibna hay’adda caafimaadka Aduunka ayaa ku dhawaaqday in loo baahan yahay in caalamka laga ciribtiro.
30% dadkii uu ku dhacay waa ay u dhinteen.
Faafihii Typhus

Waxa uu lahaa noocyo kala duwan, balse midkii diiwaanka galay waxa uu dillaacay sanadkii 1848-kii, markaas oo uu dilay dad tiradoodu ka badan tahay 20,000 oo ruux.
Dadka uu ku dhacay badankood waxey ahaayeen muhaajiriin Aarish ah kuwaas oo firxad ku galay dalka Kanada, iyaga oo ka baxsanaya macluushii wayneyd.
Waxaa astaamihiisa ka mid ahaa qandho daran,iyo finan guduudan oo azoo baxa gacmaha, dhabarka illaa xabka xabadka oo ay wehliso xaalad illowsho ah.
150-kun oo ka mid ah kiisaska dhimashada cudurka Typhus waxaa laga diiwaan galiyay Yugoslavia kaliya.
Seddax milyan ayuu dilay inuu uu soconayay dagaalkii sokeeye ee Ruushka,halka ku dhawaad 30-milyan-na la weriyay sanadkii 1922-kii.
Harkabkii Spain

Harkabkan oo uu sababay Feyruska H1N1 ee dunida aafeeyay intii u dhaxeeysay sanadihii 1918-1920, waxa markii ugu horreeysay lagu arkay wadanka Spain, inkastoo markii danbe ku fiday Yurub oo dhan iyo dalal kale.
Waxaa astaamihiisa kamid ahaa Qufac, Daal, Xiiq, iyo Hindhiso. Muddo 18-bil gudaheed ah ayaa waxaa u geeriyootay dad qiyaastii u dhaxeeya 500 illaa 100 milyan oo ruux, isaga oo noqday cudurkii ugu dhimashada badnaa ee dunida soo mara boqolkii sano ee u danbeeyay.
HIV-AIDS

Waa xanuun uu sababo Feyrus kaas oo si toos ah u weerara habdhiska difaaca aadanaha, astaamihiisii ugu horreeyay waxaa la weriyay 1981-kii, Ku dhawaad 35-milyan oo ruux ayaa u dhimatay caalamka oo dhan.
Xanuunka oo wali ka jira dalal badan oo caalamka ah, waxaa la rumeysan yahay inay qaateen dad tiradooda ay ku dhaw dahay 36.9-milyan oo qof. Halka 7-milyan-na ay maanta la nool yihiin.
Ebola

Waxa uu ka dillaacay galbeedka Africa intii u dhaxeysay sanadihii 2013 illaa 2016, wuxuuse mar danbe ku fiday wadamo kale.
Tiro ka badan 11,300 oo ruux ayaa u geeriyootay.