Himilo – Marka dib loo raad-raaco baradhada asalka xididkeeda wuxuu dib ugu noqonayaa waddanka Peru, halkaas oo la aaminsan yahay in markii ugu horreysay lagu beeray iniinyaheeda.
Baradhadu boqolkiiba 80 waa biyo dareere ah, halka boqolkiiba 20-ka kale ay tahay adke. Qarniyo ayaa dunida laga soo adeegsanayay. Waxaa jira boqollaal nooc oo baradho ah.
Magaceeda laatiinka ah (Potato) wuxuu dabada la galayaa afka Spanish-ka. China ayaa ku suntan inuu yahay dalka ugu soo abaarida iyo dhoofinta badan baradhada dunida oo dhan.
Sidoo kale waddamada; India, Germany, Ukraine, Russia, Poland, iyo Mareykanka ayaa ku jira safka hore ee dalalka ku tilmaaman wax soo saarka baradhada.
Waxyaabaha anfacada leh ee laga helo baradhada waxaa ka mid ah vitamin B6, potassium, magnesium iyo noocyo kale oo ah macdan waxtar u leh jirka aadanaha.
Bahda caafimaadka ayaa qaba in baradhadu ay dadka u leedahay faa’iidooyin dhowr ah; sida harumarinta dheef-shiidka iyo xoojinta awoodda difaaca jirka.
Baradhadu waxay ka mid tahay khudaarta loogu isticmaalka badan yahay caalamka oo idil. Habab kala duwan ayaa loo karsadaa ama loo sameeyaa.
Mararka qaar waxaa dhacda in biyo lagu kariyo, ama in la dubo. Waxaa la awoodaa in keliyeed la cunno ama in cunno kale looga dhigto iidaan lagu maceeyo.
Tiro ma leh qaababka kala duwan ee looga faa’iideysto. Isticmaalka badan waa midka ka dhigay inay caalamka ka noqoto muhiim la wada yaqaano.
Dadka magaalooyinka jooga waxay u badan tahay in maalin kasta mid ka mid ah xilliyada cuntadooda inaan laga waayi karin nooc ka mid ah baradhada dunida.
In ka badan hal bilyan oo qof, mid kasta oo ka mid ah maalin walba wuxuu cunnaa ugu yaraan hal xabbo oo baradhado ah ama ka badan.
Saynisyahanadda ayaa rumeysan inuu qofku ku noolaan karo keliya baradhada. Nafaqooyinka uu jirku u baahan yahay kuwo badan oo ka mid ah wuxuu ka helayaa baradhada.
Waaa miraha afraad ee loogu soo saarka badan yahay koonkan, xitaa waxaa lagu beeray qaar ka mid ah meerayaasha kale ee la tagay.
Sannadkii 2020-ka 150 dal waxay soo saareen 359 milyan oo tan oo baradho ah. Sanadaha soo socda waxaa lagu wadaa in aad loo maal-gelin doono oo la soo gaaro 750 milyan oo tan.
Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha aad looga adeegsado bal se nasiib darro dalka laguma beero waxaa lagu tiirsan yahay keliya waxa laga keeno dibadda.
Dadka aqoonta u leh degaanka iyo beeraha ayaa qaba in dhulka Soomaaliya ugu yaraan laga heli karo goobo ku habboon beerashada baradhada.
Hase-yeeshee, waxay ku doodayaan inaan xooogga la saarin sidii loo ogaan lahaa degaanada ku fiican tacbashada barashada taas oo horseedi karta in la helo baradho ku filnaan karta baahida.