Kulankii labaad ee Group B ayaa galabta waxaa isku arki doona xulalka kubadda cagta gobollada Jubaland iyo Galmudug oo qeyb ka ah tartanka cayaaraha gobollada dalka oo Muqdisho ka soconaya.
Cayaartan ayaa soo geli doonta galabta 04:00pm galabnimo, iyadoo ka dhici doonta garoonka Banaadir Ex-Koonis ee degmada Cabdicasiis.
Galmudug ayay cayaartan u noqon doontaa kulankoodii koowaad ee cayaaraha, saadaal xooggan lagama bixin karo safka ay ku soo shirtagayaan oo beryihii danbe tababar ku qaadanayay garoonka Banaadir.
Jubaland iyadu kulan hore ayay dheeshay oo guuldarro dirqi ah oo 2-1 ah ayaa kasoo gaartay Hiiraan & Sh/dhexe, walow cayaartaa qeybteedii labaad Jubaland ay awood rooneyd, waxaana la filayaa safkii ay ku cayaareen wiilashii uu hogaaminayay Deeq Aaryo qeybtii labaad ee kulankaa iyo dardartaa haddii ay la soo galaan ay kulankaan dhibco ka heli karaan.
Si afar dhammaadka ay u gaarto Jubaland waxay ku qasban tahay inay guuleysato, haddii laga badiyana si lamid ah Koonfur Galbeed ayay macsalaameyn doontaa cayaaraha gobollada dalka.