Muqdisho – Kulan xiisa badan oo ka tirsanaa heerka guruubyada ee tartanka General Daa’uud oo maalinimadii shalay ka dhacay garoonka jaamacadaha ee degmada Hodan ayaa dhex maray kooxaha Heegan iyo Madabacadda.
Kulankaan oo ay usoo daawasho tegeen dad weyne fara badan ayaa ahaa mid xiisa gaar ah wata, qeybta koowaad ee kulanka ayaa lagu kala nastay bar-baro 0-0 ah oo ay labada naadi isku mari waayeen, inskatoo laacibka xulka qaranka Soomaaliya Jabriil xasan Fariid oo goolkulaad qasaariyey.
Markii dib la isugu soo laabtay kulanka qeybta labaad ayaa labada naadi soo bandhigeen kubada qurxoon, naadiga Heegan ayaa ciyaarta ku sameysay isbeddelo badan iyada oo keydka ugu yeertay seddex ciyaaryahan si ay kooxda wax badan kaga beddelaan, ugu danbeyn Heegan ayaa darbigii adkaa jebisay.
Goolka 1aad ee kulanka waxaa Heegan u saxiixay laacibka lagu magacaabo Babu Iddi da, kubad goolkulaad loo dhigay Mbc waxaa ka qasaariyey Xasan Suarez.
Daqiiqado kaddib waxaa bilowday daadkii xoogganaa ee kulanka waxaa goolasha u dhaliyey Heegan xiddigaha kala ah Suleymaan Siid Cali, Ociti Benso, iyo Cabdiyoow oo laba gool kulankaan shabaqa gaarsiiyey, waxaana goolka lixaad dhaliyey Mahad Basey oo ugu danbeyn ciyaarta ka dhigay mid ku soo idlaata 6-0 oo ay guusha ku raacdey naadiga Heegan.
Sidoo kale kulan kale oo xisa badan waxa uu ka dhacay Banaadir stadium kaasi oo u dhaxeeyay Gaadiidka iyo Midnimo waxaana ugu danbeyn kulankaas 2-0 ay guusha ku raacdey kooxda Midnimo, waxa ay goolasha ka heshay Saadaq Gaab iyo laacibka dhawaan kusoo biiray Mulumbo.