Home / Arrimaha Bulshada / Wax ka ogow qoysaska ugu hantida badan caalamka

Wax ka ogow qoysaska ugu hantida badan caalamka

Himilo FM – Ameerika iyo Yurub ayaa saldhig u ah qoysaska ugu hantida badan caalamka laakiin hantiilayaal kale ayaa laga heli karaa qeybo badan oo kamid ah dunida.

Tirada dadka hantidoodu ka badan tahay hal bilyan oo doolar waa 2208 qofood oo ku nool 72 dal oo caalamka ah, waxayna gaaraysaa hantidooda 9.1 Tiriliyoon sida ay shaacisay majalada Forbes.

Hantida 25 qoys ee ugu dhaqaalaha badan caalamka waxaa lagu qiyaasay 1.1 Tiriliyoon, haddaba waxaan ka soo qaadaneynaa 5-ta ugu horreysa.

1- Qoyska “The Walton family”

Hantida qoyskan waxay dhan tahay $151.5 bilyan. Sam iyo Bud ayaa aas-aasay shirkadda Walmart oo noqotay shirkadda ugu weyn caalamka ee tafaariiq wax ku iibisa.

2- Qoyska “The Koch family”

Waxay leeyihiin qoyskan shirkad sifeysa shidaalka oo la yiraahdo Koch Industries. Waxaa hoggaamiya Charles iyo David Koch oo ah walaalo wada dhashay. Hantida qoyskan waxay ku fadhisaa $98.7 bilyan.

3- Qoyska “The Mars family”

Hantida qoyskan waxay gaaraysaa $89.7 bilyan. Shirkadda Mars oo ay leeyihiin ayay ka timid faa’iidada ugu badan, waxayna sameysaa faa’iido dhan $35 bilyan sanadkasta.

4- Qoyska “The Van Damme, de Spoelberch, and de Mevius families”

Waxay ka kooban yihiin seddex qoys oo reer Bilgim ah. Hantidooda waxaa lagu sheegay inay tahay $54.1 bilyan. Shirkada ay leeyihiin waxay sameysay kobac dhan 17% sanadkii hore.

5- Qoyska “The Dumas family”

Waxay leeyihiin qoyskan shirkad taariikhdeeda u laabaneyso 1800. Hantida qoyska oo Faransiiska u dhashay ayaa lagu qiyaasay $49.2 bilyan.

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan