Wargeyska Time ee dalka Mareykanka ayaa daabacay ra’yi aruurin lagu soo saaray 10 shaqo ee ugu xun ee qof uu ka qabto dalka Mareykanka.
Ra’yi aruurinta ayaa lagu saleeyay qiimenteeda dhinacyo badan oo laga eegayay shaqo walba oo laga qabto dalka Mareykanka, waxaana kamid ahaa qeybaha qiimeynta loo cuskaday saacadaha shaqada ee toddobaadkii , daqliga qofka uga soo xaroonaya shaqada, heerka shaqo la’aanta ee shaqadaasi la xariirta, safarrada, heerka uu qofku horumar kaga sameyn karo shaqada iyo taageerada shaqadu ay ku leedahay dalka Mareykanka.
waxaana shaqooyinka soo socda ay noqdeen 10ka shaqo ee ugu xun oo dalka Mareykanka laga qabto sida lagu cadeeyay ra’yi aruurinta oo ay sameysay mareegtada Career Caset.
1) Wariyaha warka goob ka soo dira
Celceliska Mushaarka: $ 37200
Heerka Kobaca : 9%
2) Shaqaalaha geedaha gura
Celceliska Mushaarka: $35160
Heerka Kobaca : 4%
3) Wariyayaasha warka ka aqriya Studiyaha Telefishinada ama Idaacadaha
Celceliska Mushaarka: $37200
Heerka Kobaca : 9%
4) Dadka ka shaqeeya Studiyayaasha Musikada lagu duubo
Celceliska Mushaarka: $ 29010
Heerka Kobaca : 11%
5) Shaqaalaha askareynta Milatariga
Celceliska Mushaarka: $27936
Heerka Kobaca : 0%
6) Shaqaalaha ka hortaga Cayayaanka
Celceliska Mushaarka: $ 30660
Heerka Kobaca : 1%
7) Ganacsatada sida tafaariikhda wax u iibiya
Celceliska Mushaarka: $ 21670
Heerka Kobaca : 7%
8) Ganacsatada sida jumlada wax u iibiya
Celceliska Mushaarka: $ 47890
Heerka Kobaca : 3%
9) Darawallada Taksiyada
Celceliska Mushaarka: $ 23210
Heerka Kobaca : 13%
10) Shaqaalaha dab damiska
Celceliska Mushaarka: $45970
Heerka Kobaca : 5%