Home / Habka-Nolosha / Wax walba oo laga bartay kulankii Champions League Final oo guushuu ay raacday Real Madrid

Wax walba oo laga bartay kulankii Champions League Final oo guushuu ay raacday Real Madrid

Zidane ayaa kula guuleystay Real Madrid Champions League isagoo cayaartoy ah 2002, xalayna isagoo macallin ah ayuu koobkan la hantay.

Kooxda ayuu ka badbaadiyay sanad labaad oo koob la’aan ah, isagoo noqday macallinkii toddobaad oo koobka Champions League la hantay Los Blancos.

Zidane ayaa noqday macallinkii u horeeyay oo Faransiiska u dhashay oo ku guuleystay Champions League. Albert Batteux, Robert Herbin, Didier Deschamps iyo Arsene Wenger oo dhammaan ah macallimiin reer Faransa ayaa gaaray Finalka UCL midkoodse ma hanan.

Zidane ayaa ah shaqsigii labaad oo Real Madrid kula guuleystay Champions League isagoo ah cayaartoy iyo isagoo macallin ah, hortii waxaa sidaa sameeyay Miguel Munoz.

Waa markii siddeedaad oo taariikhda Champions League la isla aado waqtiga dheeriga ah, markii toddobaad oo gool ku laadyo lagu kala baxo iyo markii saddexaad oo gool ku laadyo ay isku reebaan laba koox oo hal dal kasoo jeeda.

Ramos ayaa shabaqa soo taabtay labo Final oo Champions League uu cayaaray oo is xiga si lamid ah Messi iyo E’too.

Waa Ramos xiddigii shanaad oo labo Final oo Champions League gool ka dhaliya si lamid ah Raul, Samuel Eto’o, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waase daafacii u horeeyay oo sidaa sameeyay.

Bale oo noqday laaciibkii saddexaad oo Wales kasoo jeeda oo gaaro labo goor Finalka Champions League.

Keylor Navas waa cayaaryahankii u horeeyay oo Costa Rica u dhashay oo kasoo muuqda UCL kuna guuleysta.

Atletico ayaa markii saddexaad timid Finalka Champions League waana la dharbaaxay dhammaan saddexdaa goor, waana kooxda ugu guuldarrada badan Finalka tartankan.

Inkastoo shaqo wacan uu qabtay Gareth Bale misna xiddigii cayaarta waxaa noqday wiilka reer Brazil Casemiro oo fursado dahabi ah qorsheyntood kahor istaagay kooxda Atletico Madrid.

Antoine Griezmann  ayaa noqday laacibkii koowaad oo Final Champions League daqiiqadaha cayaarta qasaariya gool ku laad tan iyo 2012, markaasoo dhibtaa oo kale ay qabsatay Arjen Robben.

Keliya Marcello Lippi oo saddex champions League Final guuldarreystay ayaa ka guuldarro badan macallin Diego Simeone oo labo goor saddex xagaa gudihii ku guul darreystay hanashada UCL.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan