Himilo – Hoos u dhaca cunno soo saaridda waa dhibaato dhab ah oo ku foolan dunida, siiba dalalka ka hooseeyaa saxaraha Africa. Yaraanta gasiinka soo go’a waxaa sababay oo gondaha gooyey saboolnimada –dakhli liita–, isbedelka cimilada, iyo asbaabo kale oo aadanaha loo tiiran karo, sida xaalufinta deegaanka, ku guul-darreysiga abuurka hagaagsan, dhul beeraadkii oo la degaansaday iyo gaabinta ugu weyn oo ku timid siyaasadaha heer qaran oo u liicay dhan kale.
Dib ridayaasha wax soo saarka intaa way ka badan yihiin, tusaale deegaanka oo aan lagu beerin mirihii ku habboonaa, awoodda shacabka oo aan isku duba ridneyn dhammaanna waa horseedayaal kale. is-biirsiga arrimahan waxaa ka ratibmay galiilyo aan la mahdin sida macaluul, nafaqo darro, kororka dhimashada caruurta iyo degganaan la’aan siyaasadeed oo is-dabo taal.
Maqaalkan waxaan ku qooraansaneynaa hoos u dhacaas cunno ee ay wajahayso dunida, si kooban waxaan tusmeyn doonaa waxyaabaha sahlay, raadka aan loo riyaaqin ee ka haray iyo tabaha macquulka ah ee xal u noqon kara mushkiladan mararka qaar gaarta heer loo dhinto.
Maxaa keenay hoos u dhaca cunnada?
Waxaa jira arrimo dib ugu laabta aadanaha oo u gogol xaara inaan la soo aarin quud nawada deeqa, tan ugu weyn waa ka weecashada tacbashada, ku sii lar waxaan isku si u socon kororka dad-yowga iyo wax soo saarka, bulshooyinka dunida waxay isticmaalaan cuud badan 24-kii saacba, taas waxa ay horseeday in helidda cunto noqoto gabaabsi ama qiimaheeda uu sare u kaco, iyadoo lagu wado in tirada dadka caalamka uu ku yimaado koror kan badan, suuq keenidda anfacada la cunana ay sii yaraato, haddaan baraarug la helin.
Badashadaas dadka waxaa ka dhashay in la deegaansado dhul beereedkii qodashada u qoqobnaa, sidaa darteed waxaa koobmay badkii dhulka la tacban jiray, natiijaduna waxa ay noqotay in magaalooyinku ay ku fidaan barihii qaniga ku ahaa beeraha. Jaridda uu aadanuhu ku hayo keymaha waxaa laga dhaxlay ficilladaas naga yimid sida abaar xiriir ah ama jiitanta.
Kor u kaca dadka waxaa ku lammaan qodobo is feer socda oo laba dhan u kala rogma, farsamooyinka sare ee la bartay waxay goradda noo sureen mushkilado aan la filayn, bulshooyin badan waxa ay ka tageen wax qodoshada, waxaana ugu daran kuwa ku nool dalalka soo koraya oo il-baxnimada u arkay inay baylihiyaan wax beerashada.
Waddamada horumaray waxay farsamada sare ee tiknolojiyadda uga faa’iideysteen wax soo saarkooda, qaarkood iyaga oo aan laheyn dhul ku habboon ama cimilo u garab raaricisa dalag beerashada, hadana waxa ay awoodeen in wax soo saarkooda ay u beec geeyaan dalal kaga carro sansan tacabka.
Dhulka oo wax laga soo saaro sida in la beerto aqoon-yahannada qaar waxa ay aaminsan yihiin inay tahay habka ugu fudud ee dhaqaale uu qofku ku abuuran karo.Geesta kale, marka aad noloshaada wax ku filan soo saarato ee dadweynaha kale aad gaarsiiso dheeftii dhididkaada waxaa hubaal ah inaad ajir iyo abaalba ka heleyso.
Gawaarida matoorka leh iyo qodidda macdanta madow labaduba waxay taageereen isbeddelka xilli roobaadyada iyo yaraanshaha wax soo saarka, wasakhowga ka dhasha ficilkaas kuma koobna biyaha iyo hawada ee xittaa waxa uu saameeyaa ciidda wax lagu beerto waxa uuna ku ridaa nabaad guur, musiibooyinka dabiiciga sida daadadka ayaa dhankooda caqabad ku ah wax-soo saarka dalalka dunida saddexaad.
Beeraha ku yaalla Soomaaliya siiba kuwa ku teedsan labada webi waxay wajahaan abaar, daad, cayayaan iyo cudurro haleela dalagga. Awood la’aanta dhaqaale iyo aqoon darrida beeralaydeenna waa caqabado kale oo hoos u dhigay wax saarka dalka.
Dadkeenna wax tacbada waxa ay isticmaalaan beero aan u diyaarsaneyn in wax badan laga goosto, adeegsiga agabyadii hore oo aan gacan ku siineyn inay soo saaraan gasiin wax ku ool ah, iyo la’aanta taageero dowladeed waa natiijadu keeneysa walwalka cunna yarrida.
Saameynta hoos u dhaca cunnada
Saameynta ka dhalatay saxar ma saarna waxayse billowga hore toos u taabaneysaa caruurta, hooyooyinka, dadka da’da ee u nugul macaluusha iyo gaajada. korriinshaha caruur badan waxaa dib u dhiga cuud la’aan iyo in aysan dareen dhugasho fog keh siin tacliinta, sababtoo waxay tahay in boggoodu maran yahay marka wax loo sharaxayo.
Silsilado sannado abaar ah ayaa wax- soo saarkeennii oo kolkii horeba aan heer sareyn sii yarreysay, dad badan oo dalka ka qaxay ayaa gaajo ugu dhigtay meelo kala duwan, sida ay diiwaan geliyeen hay’addaha ku shaqada leh muwaadiniinta qaxootiga ku ah dalalka kale.
Xalka muskiladdan
Xalka guud ee dhibaatadan waxay u guryo noqon in la is tuso natiijada dambe ee mushkiladdan, muhiimadduse waxay tahay in loo baahan yahay in la maal geliyo tamarta dabiiciga sida cad-ceedda, iyo dowladda ay miisaniyad ku taageerto sare u qaadista wax soo saarka gudaha. Labada dhinac oo is garabsada, cilmiga beeraha oo la barto, iyo wacyiga dadka oo dhanka tacabka loo weeciyo waa tallaabooyin dhaxal gal noqon kara, waase haddii si dhaba loo fuliyo.
Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Haaddi)
Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com