Furfurnaanta qofka shaqaalaha ah waxa ay dhistaa oo ay xoojisaa xiriirkiisa xirfadeed laakiin waxaa jira waxyaabo ay adag tahay inuu qofka shaqaalaha ah shaaciyo ama uu sheego hadduu sameeyana waxa ay dhaawacaysaa shaqadiisa ama xirfadiisa .
Si uu qofku u dhiso xiriir wanaagsan oo shaqadiisa la xariira waa in uu ka fogaadaa waxyaabo badan oo shaqadiisa wax yeeleyn kara .
Hey’adda “TalentSmart ” la yiraahdo ayaa sameysay tijaabooyin ay ka qeyb galeen 1 milyan oo qof oo lagu ogaaday in dadka shaqooyinkooda ku guuleystay ay yihiin kuwa fahma dadka la shaqeeya islamarkaana aan ka hadlin waxyaabaha ay kamid yihiin guul darooyinkii hore ee soo maray .
Hey’adda “TalentSmart” ayaa tijaabooyinka ay sameysay kaddib waxa ay soo bandhigtay waxyaabo qofka shaqaalaha ah ay tahay inuu qariyo si aysan shaqadiisa qatar u gelin .
1) Tilmaamidda wax muujin kara inaad shaqadaad joogto neceb tahay
Inaad u sheegto saaxibadaada shaqada inaadan ku qanacsaneyn shaqada aad heyso wax ay leedahay dhibaatooyin fara badan, waa arrin niyad jabin karta kuwa kula shaqeeya kuna kalifi karta madaxda shaqadaada iney raadiyaan qof ku dhaama oo shaqadana ku qanacsan .
2) Ka hadalka tayada qof shaqaalaha kamida ah oo aan u qalmin shaqada
Goob walba oo shaqo ah waa laga helaa dad aan u qalmin shaqada ay hayaan, yeysan layaab kula noqon, hadii aadan caawin karin, haka hadlin guul darooyinkooda waayo waxba kuuma soo kordhinayso.
3) Mushaarka aad qaadato oo aad ka hadashaa
Waa hubaal in qof walba uu jecelyahay mushaar sare oo shaqadiisa uu ku qaato , dad badan ayaa ku faana mushaarka ay qaataan mana dareensana waxa ka imaan kara waliba marka aad la wadaagto shaqaalaha kula shaqeeya oo ay suuragal tahay ineysan qaarkood kula mid aheyn oo ay kaa mushaar hooseeyaan, taa waxa ay keenaysaa in shaqaalaha ay u arkaan in shaqada aad qabato iyo mushaarka aad qaadato ineysan isku dhigmin oo mushaarku badanyahay.
4) Fikiradaada siyaasadeed oo aad ka hadashaa
qof walba waxa uu leeyahay fikir siyaasadeed oo uu qabo ama uu aaminsanyahay, saaxibadaada kula shaqeeya hakula doodin fikirkaaga siyaasadeed , waxa ay keeni kartaa qilaaf iyo wadashaqeyntiina oo xumaata.
5) Aragtiyada aad ku soo bandhigto Facebook
Haku soo bandhigin facebook iyo Shabakadaha lamidka ah waxyaabo aragti qaldan kaa bixin kara, dadka qaar oo madaxdaada shaqada ay ku jiri karaan ayaa qof xun kuu arki kara waxeyna keeni kartaa in aan mustaqbalka lagu dalacsiin ama aan laguu dhiibin shaqo culus .
6) Ka sheekeynta sidii ay waxbarashadaadu ahayd
Waqtigaagii hore fariin ayuu xambaarsanyahay oo uu gudbinayaa tusaale hadii aad dhowr sano kahor sameysay wax xun, haka sheekeyn waliba saaxibadaada shaqada ha ogeysiin oo hala wadaagin, sheekada nuucaas ah iney kugu ekaato kaligaa ayaa haboon.
Mahad Mohamed Ali
Mahat335@gmail.com