Muqdisho – Inkasta oo ay digniino adag bixiyaan boliiska iyo taraafikada si loo joojiyo culeeska noocan ah, haddana qaar ka mid ah darawalada dalka Dominican Republic oo dhaca laatiin Ameerika ayaa weli sameynaya waxyaabo ka baxsan sharciga.
Darawalkaan ayay boliisku qabteen isagoo gaari shankursi leh ku raray 18 ruux, Muuqaal laga duubay markii dadka laga soo saaraye gaariga ayaa muujinaya dad tiro badan oo kuraasta dambe ee Taxi-ga ka soo baxaya. Halkaas oo la arkayay 11ruux oo saaran kursiga dambe ee loogu talo galay 4 qof.
“Arrintan ayaa u muuqan karta maad balse xaqiiq ahaan way ka duwantahay sida aad sawiraneysid” ayuu yiri mid kamid ah boliiska Dominican Republic, isagoo intaa ku daray inay baaritaan ku sameyn doonaan waxa kallifay inay naftooda halis nucaas ah geliyaan.
“Inkasta oo aan fahamsanahay in cadaadis weyn uu ka jiro nidaamka gaadiidka dadweynaha, iyo dadka oo shaqo kale aan heynin, haddana ma jiraan wax cudur-daar ah oo ku saabsan hab-dhaqanka noocan ah, waxaana muhiim ah inaan ka fekero cawaaqibka haddii gaarigaas uu ku dhacay shil, waxa kale waa sharci la’aanta” sidaa waxaa yiri af-hayeenka u hadlay boliiska.
Dalka koofur Africa dhacdo la mid ah ayaa ka laga diiwaan geliyay sanaddii 2009, kaddib markii xaafad ka tirsan magaalada Cape Town uu darawal Taxi gaari qaada 26 qofood ku raray 112 qofood.