Himilo – Labaatan sano kahor ayey ahayd markii ay Wen Junhong soo qaaday Ey gali ahaa oo hoyda wadooyinka magaalada Chongqin ee koofur-galbeed Shiinaha. Hadda waxaa ay magangalyo siisay gurigeedana kula nool in ka badan 1,300 oo Ey.
500kg oo bariis ah oo la iidaamayay ayey maalinkii ku quudisaa Eyda, haweeneydan 60-jirka ah, waxaa xanaaneytooda ka caawiya afar shaqaale oo qaabilsan daryeelka xayawaanada.
Sida ay u sheegtay AFP, sababta ugu wayn oo ay uga gabbaad yeeshay cidla ayaa ah inay ka badbaadiso kuwa wadooyinka ka dafa Eeyda dabadeedna ka ganacsada hilbahooda.
Waxey u sameysay deyr iyada oo ku xirtay qolal yar yar oo ka sameysan biro, kaddib markii kasoo cawdeen jaarkeeda. Lacagta ay howgab ahaanta u qaadato ma kaafiso nolosheeda iyo tan xayawaanada ay rabbaayadeyso balse waxey caawinaad ka heshaa samafalayaal ku xiran baraheeda Bulshada.
Marka laga soo tago Eyda waxaa sidoo kale la nool, boqol Bisadooda, afar Faras, tiro Shinbiro iyo Bakeeylayaal ah.