Horyaalka ingiriiska ayaa todobaadkan nagu soo fool leh furmi doona, iyadoo kooxda dunida ka yaabsatay ee Leicester City ay markale dooneyso in horyaalka ay gacanta ku dhigto.
Arsenal waxa ay 14 August la cayaari doontaa kooxda Liverpool, bilawga Premier League-ga.
Sidaas oo ay tahay waxaa xaaladda horyaalka ka hadlay macalinka kooxda reer London ee Arsene Wenger.
“ Waxaa jira kooxo waa wayn oo leh Hami sarre, sidoo kale waxa jira tababarayaal waa wayn oo iyaguna halkaan yimid” ayuu yiri ninka reer French, kadib kulan ay jimcadii cayaareen oo 8-0 kusoo idlaaday.
“ Koox walbaa rajo ayeey abuurtay, balse mid uun baa ku guuleysan doonta, waxa kaliya ee aan hubno ayaa taas ah” ayuu raaciyay macallin Wenger.
Macalinka waaya araga ah mar uu ka hadlaayay kulamada ugu soo horeeya ee ay cayaarayaan waxaa waxa uu yiri “ waxaan haysanaa saddex kulan oo adag, Liverpool ayaa ugu horeynba isla cayaari doonaa, dhab ahaantii waa kulan adag, Leicester iyo Watford marka aan iyagana la cayaarno, saddaxdaas kulan waxa aan ogaan donaa in aan diyaar nahay”.
Arsenal ayaa bilwaga horyaalka la cayaari doonta Livepool 14Augest, waxaana kulaankaas ka maqnaan doonaa Furayaasha kooxda ee kala ah Mesut Ozil, Laurent Koscielny iyo Olivier Giroud