Home / Habka-Nolosha / Wenger: “Ma arag Ozil muddo toddobaad ah.”

Wenger: “Ma arag Ozil muddo toddobaad ah.”

Muqdisho – Macalin Arsen Wenger ayaa xaqiijiyay in Mesut Ozil uusan u dhaweyn kusoo laabashada garoonka taniyo January 14 kadib markii uu lumiyay labadii ciyaarood ee Arsenal dheeshay.

Laacibkan Jarmalka u dhashay ayaa dheelin kulankii Boxing Day-ga iyo kii Talaadadii ay kooxdu la yeelatay Bournemouth.

Ozil ayaa ban-dhigiisa mugdi la galiyay kadib labadii guul-daro ee xiriirka ahaa ee kooxda kasoo gaaray naadiyada Everton iyo Manchester City taas oo rajadii Gunners-ku ka qabeen hanashada horyaalka England PL liifadda u gaabisay.

“Ma arag Ozil muddo toddobaad ah,” ayuu yiri Wenger kahor ciyaartii Talaadada.

“Waxay ahayd go’aan fudud inaan lagu darin xulka hore, waayo wali wuxuu saaran yahay sariirta.”

Ozil ayaan la fileyn inuu kamid noqdo 18 laacib ee dheeli doona wareegga saddaxaad ee koobka FA England ee toddobaadkan.

Arsenal ayaa dib u dheeleysa ciyaarteeda England PL bishan January 14-keeda.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan