Home / Habka-Nolosha / Wenger oo Giroud ku sheegay laacib u qalma kabtannimada kooxda

Wenger oo Giroud ku sheegay laacib u qalma kabtannimada kooxda

Muqdisho – Macalin Arsen Wenger ayaa sheegay in go’aankiisa toddobaadkan uu Giroud kaga dhigay kabtanka kooxda ciyaartii ay la yeesheen Preston North End inay ahayd abaal-gud laacibkan loogu abaalgudayo bandhiggiisa fiican iyo dadaalkiisa.

Giroud oo saddaxdii kulan ee ugu danbeysay kusoo bilaabanayay garoonka ayaa goolal dhaliyay isaga oo waliba kaalin ku lahaa guushii dhaweyd ee kooxdu 2-1 ku adkaatay.

Wenger ayaa sharaxay go’aankiisa layaabka leh ee uu Giroud ugu magacaabay kabtannimada kooxda – isaga oo dhahay Giroud wuxuu kooxda usoo qaaday sare tiiyoo uu la’aa waqti ku filan.

“Waxaan u magacaabay kabtan. Waxaan jeclahay inaan ku meegaaro kabtannimada,” ayuu yiri Wenger.

“Wuxuu soo maray waqti uu dareensanaa raaxo la’aan waayo joogto uguma ciyaareyn kooxda.”

“Wuxuu ilaashaday diirradiisa, wuuna halgamay; waxaan filaya inuu muujiyay tayada hoggaannimada,waxaana maanta aan ka dhigay kabtan.”

Arsenal ayaa si adag u dhowrtay inay tiigsato soo celinta goolka looga hormaray ciyaarta – halkaas oo Aaron Ramsey uu ciyaarta barbaro ka dhigay.

Hayeeshe Oliver Giroud ayaa goolkii guusha u dhaliyay kooxda daqiiqadii 89.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan