Home / Habka-Nolosha / Wenger: Santi Cazorla iyo Per Mertesacker waxay galayaan heshiis cusub

Wenger: Santi Cazorla iyo Per Mertesacker waxay galayaan heshiis cusub

Muqdisho – Macalinka kooxda Arsenal, Arsen Wenger ayaa sheegay in naadigiisa uu heshiiska u cusbooneysiinayo laacibiinta kala ah Santi Cazorla iyo Per Mertesacker.

Cazorla, oo 32-jir ah, waxaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo horyaalka La Liga Spain oo Atletico Madrid ay xiiso ballaaran u heyso hanashadiisa – halka Mertesacker indhaha ay la raacayaan kooxaha ka dhisan Bundusliga Jarmalka ee Werder Bremen iyo Hannover.

Balse tiiyoo ay tani jirto, Wenger ayaa raba inuu xilli kale waaya’aragyadan kusii haayo gegida Emirates ee Gunners-ku ku ciyaaraan.

“Heshiiska laacibiinta Santi Cazorla iyo Per Mertesacker kuma xirna inay kaliya garoonka ku jiri karaan,” ayuu Wenger u sheegay mareegta rasmiga ah ee kooxda.

“Labaduba waa u baahannahay, waxaana filayaa inay nala sii nagaanayaan.”

Ciyaartoydan ayaa si joogto ah u dheelin ciyaaraha kooxdooda sababo dhaawacyo hareeray awgeed ah in kasta oo warar qaar tilmaamayaan in laacibkan Jarmalka u dhashay uu kusoo dhowyahay inuu garoomada kusoo laabto.

Si kastaba, Wenger ayaa hubsaday in Mertesacker uu u baahan yahay waqti kale oo dheeraad si uu dib ugu soo biiro leyliga maalinlaha ah ee kooxda kahor safashadooda kulamada.

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan