Himilo – Kooxda West Ham United ayaa la werinayaa in ay xiiseynayaa daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger, kaasi oo ay ku doonayaan si amaah ah.
Frank Lampard ayaa safkiisa ka saaray Rudiger, taasi oo xiddigan ku hoggaamineysa ka tegitaanka garoonka Stamford Bridge.
Warbixinno kale waxay sheegayaan in Paris Saint-Germain kamid tahay naadiyo kale oo lala xiririnayo laacibkan, laakiin The Sun ayaa xaqiijineysa in West Ham ugu cadcaddahay doonistiisa.
Hammers ayaa la kulantay jahwareer markii ay isku dayeen la saxiixashada laacibka Burnley ee James Tarkowski, kaasi oo qiimahiisu lagu sheegay £30m Milyan oo gini.