Home / COVID 19 / WHO: Covid-19 ma noqon doono cudurkii ugu danbeeyay ee caalami ah

WHO: Covid-19 ma noqon doono cudurkii ugu danbeeyay ee caalami ah

Himilo –  Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa ka digeysa in cudurka Covid-19 ee gaaray dhammaan wadamada caalamka uusan noqon doonin midkii ugu danbeeyay ee wada gaara dunida.

Tedros Adhanom Ghebreyesus, Madaxa WHO oo fariin muuqaal ah oo ku beegay maalinta caalamiga ah ee u diyaar garowga cudurada caalamiga ah, ayaa sheegay in waqtigan la joogo xilligii wax laga baran lahaa Covid-19.

“Taariikhdu waxey inna bareysaa in kani uusan noqon doonin faafihii ugu danbeeyay,” ayuu Tedros.

“Dadaal waliba oo lagu horumarinayo caafimaadka aadanaha waxa uu noqonayaa natiijo la’aan haddii aanan wax laga qaban is-dhexgalka Aadanaha iyo xayawaanada, iyo halista taagan ee is-beddalka cimilada, kaas oo dhulkeenna ka dhigay mid fursadda nololeed ee ka jirta yar tahay,” ayuu sii raaciyay.

Inkastoo tallaalka loo helay Covid-19 ee dalalka qaar-na dadkoodu qaadanayaa, uu dunida rajo galiyay, haddana walaaca la qabo ayaa ah in feyruska Coronavirus uu sameeynayo qeysan, waxaana wadamada qaar lagu arkay feyrus cusub.

About Sadia Nour

One comment

  1. levitra equivalent in india And, for many, there is no need for glasses other than reading if you are 45 years old or older

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan