Home / COVID 19 / WHO: 350-kun oo xaalado COVID-19 ah ayaa maalinkii laga diiwaan galiyaa caalamka

WHO: 350-kun oo xaalado COVID-19 ah ayaa maalinkii laga diiwaan galiyaa caalamka

Himilo – Kiisaska COVID-19 ee maalinkii laga soo wariyo dalalka dunida waxey gaarayaan 350,766 oo kiis, sidaasi waxaa laga soo xigtay WHO, ururka caafimaadka aduunka.

Tiradaasi waxey muujineysaa inuu sii fido feyruska Corona, kaas oo horraantii todobaadkan kiisaska maalinlaha ah ay gaarayeen 12,000 caalamka oo dhan.

Seynisyahanno reer Britain ah ayaa laga soo xigtay in feyrusku si xowli ah ku fidayo, tiraduna ay sii laba jibbaarmeyso isbuuc waliba.

Isbitaalada Faransiiska, qeybaha daryeelka deg-degga ah waxaa kasii idlaanaya sariirihii, halka Spain-na xaalad deg deg ah kaga dhawaaqday caasimadda Madrid markii xaalado dhuun xanuun ah la diiwaan galiyay.

Dr. Michael Ryan, madaxa xaaladaha deg degga ah ee WHO, ayaa qaba in inkastoo dowladaha caalamka ay tahay inay ka fogaadaan xayiraadyada dhaawaca gaarsiin kara dhaqaalahooda, haddana ay tahay in dadka nugul helaan gabaad.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan