Himilo – Maadaama uu cudurka Covid-19 ee soo gaaray dalka bartamihii bishii Maarso ee sanadkan, wuu kusii fidayo bulshadeena, taxadar adiga oo raacaya tillaabooyinka soo socda oo ay ku talisay Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO.
- U jirso dadka kale fogaan dhan ugu yaraan hal mitir, si aadan u qaadin Feyruska marka ruux qaba oo kuu dhaw uu hindhiso, qufaco amaba hadlo. Joogtey dhaqankan xittaa haddii aad joogto guriga sababtoo ah kala fogaanshiya ayaa wanaagsan waqtigan.
- Hubi inaad xirato Af-saab, marka aad u baxeyso banaanka oo aad tageeyso meel ay isugu imaan karaan dad badan amaba aad raaceyso gaadiidka dadweynaha ayuu aad muhiim u yahay.
- Dhaqo gacamaha mar waliba, xittaa marka aad xiraneyso amaba aad iska bixineyso Af-saabka.
- Ka fogow in gacantaadu taabataa afka, Sanka ama Isha adiga oo aanan faraxalan, waxaa suuragal ah inay sido feyruska sababa xanuunka Covid-19.
- Dadka kulankooda uu muhiim kuu ah kula kulan meel ka baxsan guriga, sababtoo ah isu imaatinka banaanka ayaa ka badbaado fiican kan gudaha.
- Haddii ay dhacdo inaad isku aragto astaamaha Covid-19 sida Qandho, Qufac qalalan, Daal iyo kuwa naadirka ah ku sugnow guriga oo is karantiil, kaddibna la xiriir hawl-wadeenada caafimaadka haddii ay sii liidato xaaladaada.
Taxadar oo raac talooyinka dhaqaatiirta allena haku badbaadiyo.