Home / COVID 19 / WHO: Waqtiga ugu wanaagsan ee laga hortagi karo soo laba kacleynta Corona waa hadda.

WHO: Waqtiga ugu wanaagsan ee laga hortagi karo soo laba kacleynta Corona waa hadda.

Himilo – COVID-19 ma noqon doono xaaladdii caafimaad ee ugu danbeeyay ee soo marta caalamka, waxaase loo baahan yahay in dunidu iska kaashato diyaargarow deg deg ah oo la sameeyo, sidaasi waxaa leh WHO.

Cuduradii horey uga dillaacay caalamka, waxey bareen aadanaha in xanuun kasta oo faafa la xakameyn karo muddo dheer-ba ha qaadatee.

Hay’adda caafimaadka dunida, ayaa rumeysan in la joogo waqtigii ay dowladaha iyo deeq bixiyeyaasha loo baahnaa inay dareenkooda u weeciyaan walaacyada ku aadan soo laba kacleynta feyruska Corona.

Waxaa wali taagan qatarta xanuunka Covid-19, sida Khuburada caafimaadku tilmaamayaan waxaa suuragal ah in kumanaan kale ay u geeriyoodaan mowjadda labaad ee Corona.

Sida ay maanta baahisay dowladda federaalka Soomaaliya, 157-kiis oo cusub ayaa la diiwaangaliyay labadii maalin ee ugu danbeeysay.

Waxey taasi tirada guud ka dhigeysaa 3745-kiis. Inta ugu badan kiisaskaasi waxaa laga diwaan galiyay deegaanada Puntland.

Shantii maalin ee u danbeysay 64-ruux ayaa ka bogsatay xanuunka mana jiro qof u geeriyooday, sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan