Home / Macluumaad / Wiil 12 jir ah oo ay dunidu ka yaabtay Magaciisa

Wiil 12 jir ah oo ay dunidu ka yaabtay Magaciisa

Himilo – Wiil 12 jir ah oo ka soo jeeda gobolka Koonfurta Sumatra ee dalka Indonesia ayaa dhawaan qabsaday warbaahinada caalamiga ah sababo la xariira magaciisa oo qariib ah awgeed.

Waalidka ayaa wiilkooda u bixiyay magac ay xarfahiisu ka kooban yihiin 11-ka xaraf ee ugu horeeya alifbeetada Ingiriisiga, ABCDEFGHIJK. Sheekadan yaabka leh ayaa si lama filaan usoo shaac baxday markii wiilka 12-jirka ah uu ka qeyb galay olole tallaal oo ay soo qaban qaabiyeen booliska deegaanka ee degmada Muara Enim.

Shaqaalaha caafimaadku waxay markii hore u maleeyeen in magaca wiilka uu yahay mid iska kaftan ah markii ay ku arkeen liiska ballanta, laakiin dhoola cadeyntooda ayaa isu beddeshay rumaysnaan la’aan markii ay arkeen isla magaca ABCDEF GHIJK, oo ku qoran aqoonsigiisa rasmiga ah. Sawirrada dukumeentiyada wiilka iyo magac ku xardhan dharkiisa ayaa si aad ah ugu faafay baraha bulshada todobaadkan kaddib markii askari booliis ah uu kula wadaagay baraha bulshada.

Wiilkan yar ayaa sheegay in bilowgii hore lagu qosli jiray oo xitaa lagu ceyn jiray magaciisa, laakiin waqti kaddib wuxuu noqday mid uu laqabsaday wuuna ku faani jiray. maadaama ay fududahay in la xasuusto.

Aabaha wiilkan oo lagu magacaabo Zulfahmi ayaa saxaafada u sheegay in magacan loo diyaariyay lix sanno kahor dhalashadiisa, isagoo intaa ku daray in uu ahaa nin aad u jecel halxiraalaha, wuxuuna waligiis ku riyoon jiray inuu noqdo qoraa. Waxa muuqata in uu aad u jeclaa alifbeetada oo uu u diyaar garoobay in uu u bixiyo ilmahiisa labaad ‘NOPQ RSTUV’, kan saddexaadna ‘XYZ’.

Balse xaaska Zulfahmi ayaa ka hor timid fikradda ah in qaybo ka mid ah alifbeetada Ingiriiska magac looga dhigo carruurteeda, sidaas darteed labada wiil ee xigtay ee lammaanaha ayaa ugu dambeyntii loo kala bixiyay Cammaar iyo Attur.

12-jirka magaciisa oo buuxa waa ABCDEF GHIJK Zuzu, iyadoo qaybta ugu dambeysa laga soo qaatay magacyada waalidkii – Zuhro iyo Zulfahmi.

Magacyo qariib ah ayaa muddooyinkan dambe caado ka noqday Indonesia. Horraantii sanadkan, waxaa la soo wariyay aabbe kale oo  ugu magac daray wiilkiisa goobtiisa shaqada – Department of Statistical Communication.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan